Hobyo (SONNA)- Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Daahfurka Deked Kalluumaysi oo laga hirgaliyay magaalada Hobyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS C/raxmaan Sh Yuusuf Al-caddaala, Wasiirka Dekeddaha Galmudug Saabir shuuriye ayaa si wada jir ah xariga uga jaray dekaddan Kaluumeysiga ee ay Hobyo yeelan doonto.
Senator Cabdi-Qaybdiid oo qeyb ka ahaa Xarig jarkan ayaa yiri โDekedda Kaluumeysiga Hobyo ee aan Xarig Jarkeeda Maanta u joognay waxay Horudhac iyo Bilow u tahay Dhismaha Dekedda Weyn ee Hobyo oo aan rajaynayno in isku Tashi Bulsho lagu dhiso.
Sharaf weyn bay ii ahayd in aan ka qeyb galo Xafladda Xarig jarka Dekedda Kaluumeysiga Hobyo oo uu Xariga ka jaray Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayna Goobjoog ahaayeen Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed isugu jira , Guushu gacmaha dadka deegaankay ku jirtaa haddii la isku tashtado Horumar kasta waa la gaari Insha allaah.โ