Madaxweynaha Dawladda Ruushka Vladimir Putin iyo Ra’iisal Wasaaraha Ciraq Mustafa Al-Kadimi ayaa ka wada hadlay qiimaha saliida suuqyada adduunka iyo xaalada amni ee Ciraaq iyo Siiriya.
Bayaan ay soo saartay dowladda Ciraaq ayaa lagu sheegay in Putin iyo Al-Kadimi ay wada yeesheen kulan ku dhex maray khadka telifoonka ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xallinta xaaladaha gobolka bariga dhexe, sidoo kale waxay isla soo qaadeen hoos u dhaca ku yimi qiimaha saliidda cayriin iyo saameynta ay dunida ku yeelatay.
Qiimaha saliida ayaa lumiyey oo hoos uga dhacay in kabadan kalabar qiimahii lagu ogaa bilihii ugu dambeeyay taasoo ka dhalatay saamaynta uu cudurka Corona ku reebay dunida oo dhan, kaasoo carqaladeeyay waaxyo waa weyn oo dhaqaalaha adduunka ah.
Bishii lasoo dhaafay ee April isbahaysiga OPEC oo ay ku jiraan dawladaha Ruushka iyo Ciraaq waxay gaareen heshiis taariikhi ah oo salka ku haya wax soo saarka saliidda iyagoo isku raacay in loo baahan yahay in maalintii lasoo saaro 9.7 milyan oo fuusto maalin kasta, iyada oo hadafku yahay in laga feejignaado sicir bararka suuqyada adduunka.
Putin iyo Al-Kadimi ayaa sidoo kale ka wada hadlay masiibada adduunka oo dhan ku habsattay ee Corona Virus, sidoo kale waxay isla soo qaadeen adkkaynta xaalada nabadgelyo ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya”, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay dawladda Ciraaq.
Dhiniciisa Ra’iisal Wasaare Al-Kaadimi wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay danaha Dawladda Ciraaq kaga xiran xoojinta iskaashiga ay la wadaagto Dawladda Ruushka iyo in shirkadaha maalgashi ee Ruushka ay ku casuumi doonaan inay yimaadaan Ciraaq si ay u maalgashadaan.