Turin(SONNA)- Cristiano Ronaldo ayaa u sii wada bandhigiisa cajiibka ah uu ka sameynayo kooxda Juventus, isla markaana waxa soo xalay barbareeyey halyeyga reer France ee Michel Platini.
Ronaldo ayaa xalay guul ku hoggaamiyey kooxdiisa Juventus kulankii ay la ciyaareen naadiga Parma horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, kaddib markii uu labo jeer shabaqa soo taabtay ciyaar ku dhammaaday 2-1.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ka sameynaya kooxdiisa Juventus, kaddib markii uu dhaliyay 11 gool, dhamaan todobadii kulan ugu dambeeyay oo ay Bianconeri ka ciyaartay horyaalka Talyaaniga.
Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu halkiisa ka siiwado taxanihiisa gooldhalineed uu ka sameynayo Juventus, marka lagu darro inuu gaaray rikoodh shaqisyadeed ee kale.
35-sano jirkaan CR7 kaddib markii uu xalay shabaqa booqday labo jeer waxa uu gaaray oo uu soo barbareeyey rikoorrada halyeeyada kooxda Juventus ee Michel Platini xilli ciyaareedkii 1983- 1984 iyo Roberto Bettega xilli ciyaareedkii 1979-1980, kaddib markii ay goolal ka dhaliyeen 7 kulan xiriir ah horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.