Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud
    March 13, 2026
    Wasaaradda Batroolka XFS oo ka hadashay cabashooyinka dadweynaha ee dhanka shidaalka
    March 13, 2026
    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay
    March 13, 2026
    Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 13, 2026
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow
GudahaWararka

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

By Abdulkadir
Last updated: October 5, 2025
2 Min Read
Share

Muqdishho(SONNA):- kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada. Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida.
Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.

Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.
Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:
• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)
• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)
• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud

Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku…

March 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Degmada Hodan oo u gudubtay wareegga 3-aad ee  Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Muqdisho (SONNA): Degmada Hodan  oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga 3-aad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib,…

Gudaha
March 11, 2026

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya dhameystirka Matalaada gobolka Banaadir

Muqdisho:(SONNA)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dhameeystiri doona xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen. Intii ay…

Wararka
June 27, 2020

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka

MUQDISHO-(SONNA)-Mudaneyaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga labaad kulankiisa 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa dood…

GudahaWararka
January 30, 2023

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga oo cambaareeneynaa qarax shalay ka dhacay meel u dhaw xerada TURKSOM ee muqdisha

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay afaafka hore ee xerada…

Wararka
June 24, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023