Muqdisho (SONNA):- U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka mudane Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Mudane Cali Jeyte ayaa sheegay in la joogay xilligii laโiska dulqaadi lahaa Khawaarijta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri, โCiidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in loo istaago sidii dalka looga saari lahaa Nimanka dhiigga Beniโaadanka caadaystay.โ
Sidoo kale u qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka ayaa ciidanka Macawiisleyda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo hadda ka socda guud ahaan dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay waxa uu Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey in uu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.