Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 4, 2024
9 Min Read
Share

Addunyada ayaa si isdaba joog ah uga soo jawaabaysa baaqa Dawladda Soomaaliya ee ah in la diido Xadgudubka Ethiopia ay ku damacsan tahay inay boobto meel ka mid ah Badda Soomaaliya, Midawga Yurub, Jaamacadda carabta, Ururka Midowga Afrika iyo qeybo badan oo ka mid ah Dalalka saaxiibka ah ayaa caddeeyay mawqifkooda. Heshiiska Isfahamka waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku haleyn karo iyo adeegyada badda ganacsiga ee Gacanka Cadmeed.

War ka soo baxay Midowga Afrika yaa lagu sheegay in la qadariyo Midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidaasi lagu sheegay war ka soo baxay Xfiiska Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Midowga Moussa Faki Mahamat, iyadoo lagu sheegay warkaasi, wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri”. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac,si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, wuxuuna intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadallo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka, ugu dambeyntiina Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisaddaan soo cusboonaaday.

Dhinaca Ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ayaa iyana ka hadashay arrinta damaca Itaabiya ee Badda Soomaaliya, Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdie ayaa cambaareeyay heshiisyada is-afgaradka ah ee ku xad-gudba Qaranimada Soomaaliya, loogana faa’iidaysanayo duruufaha ka jira dalka iyo is-faham-waaga ka taagan wadahadallada ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isla markaana xad-gudub cad ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka digay saameynta ay tallabadani ku yeelan karto fidinta afkaarta Argagaxisada ee xagjirka ah, xilli dowladda Soomaaliya ay dedaalo badan ugu jirto sidii ay uga hortagi laheyd.

Baarlamaanka wadamada Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ee dal, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaasi, uuna ka qaado talaabada ku habboon.

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Sii-haayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda dowladda FS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda cas.

heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Soomaaliya ku tilmaantay “gardarro” oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed. Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Itoobiya si ay wadatashi ugala yeelato arrintan.

Bayaan uu soo saaray Talaadadii, Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.

“Waanu aragnay warbixinadaasi, waanu ka walaacsanahay iyaga, waxaanu ku biirnay Asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan si diblomaasiyadeed, iyo Maraykanka waxay aqoonsanaysaa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii,” ayuu yidhi Miller.

Maraykanka oo ah deeq bixiye weyn oo dhinaca ammaanka iyo wada shaqeynta la leh Ethiopia iyo Somalia ayaa hadalkan ka soo yeerayay Maraykanka waxa uu ahaa mid dhiiri galin u ah Soomaaliya oo muddo dheer u dhaxeysay Somaliland, khilaaf ku saabsan maqaamka iyo xuduudaha.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu sii xumeeyo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo markii horeba ahaa mid aad u kacsan oo ku saabsan xuduud badeedka lagu muransan yahay iyo doorka Itoobiya ku leedahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Is afgaradka Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sannado ah hakad ku jirtay. Midowga Afrika ayaa dhex dhexaadin ka waday labada dhinac, balse wadahadallada ayaan wax horumar ah laga gaarin.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “Waxaan soo dhawaynaynaa mowqifka Xukuumadda, Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada labada aqal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aaddan heshiiska sharci darrada ah ee Dowladda Itoobiya isku dayeyso inay ku boobto Badda Soomaaliya. Waxaa wax lagu farxo ah baraarugga shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, midnimada ay muujiyeen si ay u difaacdaan Kheyraadka dhulkooda iyo Baddooda. Waxaan uga digaynaa dowladda Itoobiya damac kasta oo ay ku dooneyso inay ku qaadato taako kamid ah Badda Soomaaliya, arrintaas waxay suurta geli weysay dalkeenna oo intaan ka tabaryar, maanta oo dowladnimadeenna cagaheeda isku taageyso marna kama tanaasuli doonno taako kamid ah dhulkeenna, Baddeenna iyo Kheyraadkeenna”.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ugu baaqayaa beesha caalamka in il gaar ah lagu haayo damaca, daandaansiga iyo isku dayga boobka ay waddo Itoobiya ee ka dhanka ah Khayraadka Dalkeenna Soomaaliya, isagoo ugu baaqaya saaxibada Soomaaliya in ay muujiyaan is garab taagooda Soomaaliya. “Mushkiladda Itoobiya iyo Soomaaliya kuma dhammaan karto xoog iyo gacan togaalaysi ee waxaa ay u baahantahay wada hadal dhab ah maadaama laba dal oo deris ah aan nahay, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro ka soo cusboonaata geeska Africa. Waxaan ku garab tagannahay Dowladda difaaca qaranimada, Khayraadka iyo ilaalinta Midnimada dalka”.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Al-cadaala “Khawaarijta awood iyo dhaqaaleba waa u jabeen”

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in dagaalka dhinaca dhaqaalaha…

GudahaWararka
January 29, 2023

Safiirka JFS u fadhiya China oo ka qeyb galay shirka rugta ganacsiga iyo ururada caalamiga ah

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Kullane, , ayaa ka qeyb galay shirka Rugaha Ganacsiga iyo…

GudahaWararka
November 23, 2023

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐫𝐮𝐥-𝐈𝐟𝐭𝐚𝐚 𝐞𝐞 𝐟𝐚𝐭𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, ayaa…

GudahaWararka
January 6, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Muqdisho(SONNA);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka…

GudahaWararka
July 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023