Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay
    February 23, 2026
    Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb
    February 23, 2026
    Guddoomiyaha SODMA oo qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka
    February 23, 2026
    Madaxweynaha JFS oo mar kale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta
    February 23, 2026
    Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.
    February 23, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Caalamka oo looga dabaaldagay xuska 5-ta June ee maalinta degaanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Caalamka oo looga dabaaldagay xuska 5-ta June ee maalinta degaanka
GudahaMaqaalladaWararkaWargayska

Caalamka oo looga dabaaldagay xuska 5-ta June ee maalinta degaanka

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 5, 2021
5 Min Read
Share

Maanta oo kale Shanta bisha June ayaa waxaa caalamka laga xusaa maalinta degaanka Adduunka (World Environment day), iyadoo dal waliba uu ka hadlo dhibaatooyinka soo food-saaray degaankiisa iyo horumarrada laga gaaray.

Degaanka oo ka ballaaran inta aynu naqaan ama ay dhaayuhu arkaan ayaa ah amhiyadda ugu weyn ee aadmiga iyo noolaha kale, maaddaama aysan la’aantii nololiba jirteen.

Waxaana sidaa daraaddeed xil weyn iska saaray ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa Aadanaha koonka ku dul nool, isagoo gudanaya waajibaadka uu Rabbi ka saaray ee ah inuu dadku ka yahay Khalliif ama hoggaamiye Adduunka, waxaanay iyagoo taa ka duulaya qabtaan waddamada caalamka kulamo looga hadlayo degaanka iyo isbeddelka cimillada.

Haddaba iyadoo diiradda la saarayo muhiimadda uu degaanku u leeyahay Aadmigu ayay Qaramada midoobay markii ugu horreeysay 5-dii June 1972 ku qabatay shir ay ugu magacdartay (United Nations Conference on Human Environment) magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waloow aysan kulankaasi ka qeyb galin waddamada dunida saddexaad oo aan u arkayn xilligaasi inuu muhiimad u leeyahay iyaga.

Inkastoo 1972-kii kadib ay magac bixinta maalinta degaanka Adduunka soo martay marxalado kala duwan ayaa mar kale waxa ay QM shir kale ku qabatay magaalada Rio de janeiro ee dalka Brazil bishii June 1992-kii, kulankaas oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo looga hadlo arrimaha degaanka waxaa ka qeyb galay 178 hoggaamiye dowladeed iyo hay’ado caalami ah.

Sanadkaas waxa uu ka mid ahaa waayaha madoow ee soo maray dalkeenna Soomaaliya, sababtoo ah ma jirin cid matasha oo shirkaasi ugu qeyb gashay iyo cid kusoo hadal qaadda marxaladaha ay ku sugnaayeen degaannada kala duwan ee Soomaaliya iyo waxa ka jiray.

QM waxay shirkaas ay Soomaaliya bannaanka ka ahayd kasoo saartay ajende ay ugu magic dartay Agendaha 21, oo ah xeer illaa iyo maanta looga dhaqmo dunida marka laga hadlayo arrimaha degaanka, kaas oo ah mid loogu talagalay in Qarnigan 21-aad lagu dhowro laguna horumariyo degaanka dunida, halka Soomaaliyana ay ahayd mid cagaha lasii galaysay dagaallo sokeeye .

Degaannada Soomaaliya ayaa wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii waxay ahaayeen meelaha dunida loogu jecel yahay bad iyo berriba, waxay lahayd hawo macaan oo nadiif ah, cimillo deggen oo dhex-dhexaad ah, dhul barwaaqo ah oo ku habboon beerashada iyo dalxiiska, Ugaar kala duwan, dhir kala jaad ah, xeeb aad u dheer, waxay sidoo kale ahayd meel ay ku kulmaan laba bad oo ay ka buuxaan kheyraad fara badan.

Burburkii ka dib Soomaaliya waxaa degaannadeenna bad iyo Berriba lasoo gudboonaatay ayaan darradii ugu weynayd oo ay ka mid ahaayeen Dowlad la’aan, daryeel la’aan iyo dayac u nugleeyay inay nacab waliba u noqdaan baylah.

Nasiib darro,  marxaladihii adkaa ee ay bulshadu gashay awgeed waxaa dalka ka billowday kooxo kala duwan oo ka ganacsada Dhuxusha, kuwaas oo qaarkood abaabulan haystana awoodo ciidan una dhoofiya qaar ka mid ah waddamada Khaliijka.

Xaalufka ku yimid dhirta iyo keymihii waaweynaa awgeed waxaa dalka ka dhacay roob yaraan badan oo sabab u noqday abaaro soo laalaabtay, kuwaas oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan, dhaliyayna qax iyo barakac, taas oo muddo kooban gudaheed ku beddeshay muuqaalkii quruxda badnaa ee degaannadeenna.

Duurjoog badan oo ay Soomaaliya caan ku ahayd ayaa dalka ka hayaamay, iyadoo qaar badan oo ka mid ihi gashay waddama deriska, halka in badan oo ka mid ahna loo manaafacaadsado si xad ka bax ah maaddama aysan jirin dowlad il gaar ah ku eegta iyo hay’ado iska xil saara ilaalintooda.

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaa sidoo kale ka billowday badaha Soomaaliya kooxo abaabulan oo wata Maraakiib waawyn, kuwaas oo qashinka kasoo hara waxyaabaha ay Wershadahooda farsameeyaan ku daadiya Xeebaheenna, iyagoo sidoo kale jiriif ba’an ka geysta biyaheenna kana gurta Kalluunka qaaliga ah, Ugxantiisa iyo Macdanno kale.

Inkastoo dowladda FS aysan lahayn awood ay ku daboosho baahiyaha ku gedaaman hanashada iyo ka warqabka degaanka, sida ilaalinta dhirta iyo duur-joogta, ka hortagga xaalufka iyo la tacaalidda abaaraha, haddana dedaal badan ayay ugu jirtaa soo celinta awooddii dowladnimo iyo waxyaabihii bud-dhigga u ahaa degaan dhowrka.

Hay’adaha iyo xeel dheerayaasha kale ee ku taqasusay degaanka iyo wax ka qabashadiisa sheegeen in hanashada degaanka ay gundhig u tahay dowlad xoog leh oo ay u idil yihiin imkaaniyaadkii u fududeyn lahaa wax ka qabashada degaanka dalkeenna.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Canberra (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed…

February 23, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyey qasaaraha ka dhashay Qarax Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (SONNA)- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in Qaraxaasi oo ka dhacay maanta maqaayad…

Wararka
November 17, 2020

Dowladda oo dardargelinaysa wax u qabadka dadka barakacayaasha

  Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Aamino Siciid Cali iyo Mas’uuliyiin ka kala  socotay Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Qorsheynta iyo Gargaarka, ayaa waxaa…

Wararka
October 24, 2019

Wasaaradda Caafimaadka dalka oo soo saartay xaaladihii u danbeeyay ee Korona

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa soo saartay tirkoobka Koroona ee dalka iyo baaritaanadii u danbeeyay ee la sameeyay maanta oo…

GudahaWararka
May 22, 2021

Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku soo dhigay Miinooyin

Muqdisho-(SONNA)-Booliska Gobolka Banaadir oo howlgallo qorsheysan maanta ka sameeyay degaanka Siinka dheer, ayaa Gacanta ku sooo dhigay walxaha qarxo, gaar…

GudahaWararka
November 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023