Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?ย  (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?ย  (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?ย  (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 21, 2024
10 Min Read
Share

Si aan wa badan uga ogaanno Dastuurka horta waa maxay Datuur? Dastuur (Af Ingiriis : constitution) waa qaanuunka ama heshiiska ugu sarreeya ee xadida haykalada aasaasiga ah ee dawladi leedahay iyo nidaamka xukunka ee xeer u ah shacab ama bulsho nidaam wadaaga ah, nidaamkaasi ha ahaado mid jamhuuri ah am mid boqortooyo ah, waxaa kale oo uu dastuurku xadidaa sawirka xukuumadda sida jamhuuriyad Barlamaani ah ama mid Raโ€™sulwasaare leh. Dastuurku waashayga qof kasta xaqiisa u damaanad qaadaa.

Maamulku waxa uu ka kooban yahay seddex oo kala ah:- maamulka sharciyeynta oo ah Baarlamaanka iyo maamulka fulinta oo ah madaxa dawladi leedahay, sida golaha Wasiirada ama Madaxwaynaha ama boqorka iyo golaha xeer ilaalinta, sedexdaba waxaa maamula dastuurka.

Haddii si kale loo dhigo ama sharaxaad dheeri ah, Macanaha kalmada dastuur Asal ahaan waxay ka soo jeedaa af faarisiga ee lagaga hadlo wadanka Iiraan. Dastuur waa qaanuunka wadamada ama dawladuhu ay ku maamulaan dadka ku nool.

Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dib u eegista Dastuurka KMG ee ay wadaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horreysay Baarlamaanka si dimuqraadi ah uga doodayo Dastuurka dalka. Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee Villa Somalia haddana ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka ayaa qormo uu kuu samayeeye dastuurka waxa uu ku soo koobay afar qodob oo faaโ€™iido ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ansixinta Dastuurka.

1960-kii ayaa u dambeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Baarlamaanka maanta jira wuxuu nasiib u yeeshey inuu isaga oo Ummadda Soomaaliyeed matalaya ka doodo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

Maxay Ummadda Soomaaliyeed ka faaโ€™ideysaa Dastuurka oo la ansixiyo?

1.Dastuurka waa hortabinta 1aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hayโ€™adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.

2.Dastuurka wuxuu si wanaagsan u caddeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hayโ€™adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taasi oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.

3.Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho, wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.

4.Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga ah helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taasi oo ay ugu horreyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.

โ€œHaddaba anigoo ku bogaadinaya Baarlamaanka Soomaaliya shaqada hufan oo ay dhabarka u riteen ayaan u rajeynayaa inay si habsami leh uga doodaan ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dawladda kala cadeynaya. Waxaa sidoo kale bogaadin mudan hayโ€™daha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka oo u soo dhabar adeegay inuu dastuurka halkan soo gaaroโ€, sidaasina waxaa bartiisa bulshada ku qoray Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga doodaya ansixinta wax ka bedalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah oo Ummadda Soomaaliyeed wax badan sugayeen, isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga inta lagu guda jira arintan aadka muhiimka u ah.

โ€ Waxay Umadda Soomaaliyeed naga sugeysay ayaa na horyaalo, arrin masiiri ah ayaa laga hadlayaa, Guddiga dib u eegista Dastuurka waxaa laga rabaa inay Golaha si fiican uga dhaadhiciyaan howsha iyo muhiimadeedaโ€. Ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo furay kulanka labada aqal.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow oo labada gole la hadlay ayaa u gudbiyay soo jeedimaha wax ka badalka cutubyada 1-aad, 2-aad,3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka KMG iyo warbaahin si faahfaahineyso soo jeedintaas ku xusan cutubyadaas, kaasi oo uu soo diyaariyey guddiga madaxda banaan ee Dastuurka KMG ah. โ€ 63 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Baarlamaan Soomaaaliyeed la hor keeno Dastuurka oo xilligaas ku qornaa Talyaani, halka maanta uu ku qoran yahay afkeena hooyoโ€. Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka BJFS Xildhibaan Xuseen Iidow .

Labada gole ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka,ย  iyadoo goluhu warbixin ka dhageystay guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole, waxaana toos u bilowday dooddiisu Dastuurka KMG. Cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa kiisa 1aad dooddiisu ay soco doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.Cutubka 2-aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3-aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha. Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Kulanka labada gole oo ka duwan marka loo eego kulamadiisa hore marka laga eego ajandaha la xiriira Dastuurka oo shacabka Soomaaliyeed indha ku hayaan ayaa waxaa soo xaadirtay 170 Aqalka hoose ah iyo 28 oo Aqalka sare ah.

Dastuurka KMG oo cod gacan taag ah ku ansixiyeen 621 ergo sanadkii 2012-kii ayaa ilaa intaas ku soo socday KMG waxaana la sheegaa inuu yahay kan ugu waqtiga dheer uu dhaqaale badan ku baxay, waxaana lagu tilmaamay tani inay tahay guul wayn oo lagu soo afjarayo Dastuurka KMG in uu noqdo mid rasmi ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed bogaadiyey dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadanย  Dastuurka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliyaย  Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 13-aad ee wadajir ah ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka maalintii shalay, waxaana looga dooday wax ka bedalka dastuurka KMG ee dalka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa ajandihiisu ahaa: Dib-u-eegista Dastuurka KMG marxalada 2-ad. Dhammaystirka ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyaddaโ€ข QODOBKA 1-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa si furan uga dooday ajandihii maanlintaa, qodob qodobna u dul isย  taagay qodobka koowaad illaa sagaalaad ee Dastuurka KMG ah oo ay doodiisu maalmahaan u furan tahay Xildhibaannada labada, wuxuuna Guddoomiye Cali Shacbaan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in la qoray nuxurka dooda Xildhibaannada iyo aragtidooda, sixid, siiqayn iyo soo jeedinba, lana sii wadi doono doodda Dastuurka maalinta Isniinta ah.

Haddaba Doodda kulankii shalay ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka koowaad, qodobada 1-ilaa 9-aad ee Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doodda qodobbada 1-aad illaa 9-aad ee cutubka koowaad oo qaadatay muddo afar maalin ah ayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabeyn, sixid iyo siiqeyn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna soo gunnaanaday Doodii looga hadlaayay cutubka 1aad ee Dastuurka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dib loogu celiyay Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Guddoomiyaha xusay in maalinta maanta loo ballansan yahay kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaannada isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo khudbad ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka jeedin doona.

Haddaba maxaa la gudboon Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya?, Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11-aad ee labada Aqal waxaa ay haystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa, iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka, gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG. Marka suโ€™aashu waxay tahay Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?, si taariikhda baal dahab ah uga galaan.

By. C/lahi Ruush.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar

Qaahira-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta…

GudahaWararka
December 8, 2021

Ra’iisal wasaare Xamse oo mar kale kormeeray garoonka Aaden Cadde oo qaybo ka mid ah la dayactirayo

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey…

GudahaWararka
October 1, 2025

Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgalloย Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan khawaarijta

Muqdisho(SONNA:-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq…

GudahaWararka
July 20, 2025

Ciidanka xoogga oo dilay 21 khawaarij ah

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baladul-Amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo…

GudahaWararka
April 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023