Muqdisho (SONNA)- Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay ardayda dhigta kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqasho cilmiyeed ay wax kaga ogaanayaan hannaanka shaqo ee Xafiisyada ugu sarreeya dalka.
ArdadaAn oo soo indho-indheeyey qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ayaa kulammo xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah agaasinka, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada JFS.
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Ahmed oo ardaydan ku soo dhaweeyey Madaxtooyada ayaa uga warbixiyey shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.
Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in ardaydan oo ah dufcadii ugu horreysay -burburkii kaddib- ee culuumta saxaafadda ka dhigta Jamacadda Ummadda ay aasaas u yihiin horumarka iyo koboca aqooneed ee Saxaafadda Soomaaliyeed.
Danjire Yusuf Garaad Cumar oo bare u ah ardaydan, hoggaaminayeyna booqasho cilmiyeedkan ayaa soo jeediyey in la xoojiyo xiriirka wada-shaqeyneed ee Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.
Dhankooda, ardayda Kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxasan yihiin booqashada Madaxtooyadooda,dhiirrigelinna ay u tahay in ay fahmaan hannaanka warbaahineed ay u shaqeyso Madaxtooyada.