London (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United Kingdom, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London.
Soo dhaweynta Wasiirka waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada dowladdu ugu jirto horumarinta dalka.
Intii uu socday kulanka, Wasiirku waxa uu ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada ku aaddan dhameystirka iyo ansaxinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka qeyb qaataan talo iyo taageero ku aaddan geeddi-socodka dastuurka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool United Kingdom doorkooda ku aaddan taageerada horumarka dalka iyo sida ay mar walba uga qeyb qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

