Muqdisho(SONNA):-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah oo aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraar rasmi ah oo si cad u diidaya, isla markaana cambaareynaya, aqoonsi kasta oo Israa’iil ku sheegato ama ku bixiso arrin wax u dhimaysa qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Baarlamaanka ayaa sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegatay uu si cad ugu xadgudbayo sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay, mabaadi’da Midowga Afrika, Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kulanka ayaa lagu caddeeyay in aqoonsi kasta oo ay bixiso Israa’iil ama dowlad kale uu yahay mid waxba kama jiraan ah, aan sharciyad lahayn, isla markaana aan lahayn wax saamayn sharciyeed oo caalami ah.
Sidoo kale, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah qaraarkan ugu gudbiso Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika, iyadoo la xusay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin xaq ay ku ilaashadaan madaxbannaanidooda, badbaadada dalkooda iyo midnimada geyigooda.
Ugu dambayn, Baarlamaanka ayaa ku adkeeyay in qof ama hay’ad Soomaaliyeed ama caalami ah oo ku xadgudubta qaraarkan lala tiigsan doono Xeerka Ciqaabta ee dalka, shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah ee khuseeya arrintan.
