Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane, Cabdalla Cuteybi, iyada oo kulanka looga hadlay iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta, taageerada iyo iskaashiga ay wadaagaan, gaar ahaan wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjiraha Jaamacadda Carabta Mudane Cabdalla Cuteybi, ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan doorka wanaagsan ee Soomaaliya ay ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka, isaga oo xusay si iskaashigaasi loo sii xoojiyo in ay dhawaan dalka soo gaari doonaan wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo hirgelin doona mashaariic kala duwan.