Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Shirka Sannadlaha ah ee Socdaalka (Migration), kaas oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.
Shirka ayaa hal-ku-dheggiisu ahaa “Sugidda Xalka Waara ee Socdaalka ama dadka tahriiba ee Soomaaliya”. Shirkaan ayaa ku soo beegmaya xili loo baahnaa kuna soo aaday xilli ay Dowlada Soomaaliya ka shaqeynayso barnaamijyo iyo qorshooyin wax looga qabanayo arimaha quseeya tahriibka.
Danjire Jabril oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri “Waxaa xusid mudan, Soomaaliya waxay dhistay xafiis u gaar ah socdaalka, soo laabashada, iyo xuquuqda carruurta, taasoo calaamad u ah tillaabada muhiimka ah ee loo qaaday dhanka habeynta maamulka socdaalka”
Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Gaarka ah ee Socdaalka, Soo laabashada, iyo Xuquuqda Carruurta ee loo yaqaan OSPE, Machadka Nabadda iyo Maamulka ee Bariga Afrika (EAIPG), iyo Jaamacadda Nairobi, Kulliyadda Cilmiga Bulshada.
Danjiraha ayaa ku daray “Wadashaqeyntaani waxay ka tarjumeysaa ka go’naanshaha iyo rabitaanka ay Soomaaliya ka go’an tahay in xal waara loo helo dhibaatooyinka ka dhasha Tahriibka”.
Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro warbaxino cilmi-baaris ah kuwaas oo ku dheehan talaabooyin ay isticmaali karaan hay’addaha kala duwan oo ay quseeyso arimaha socdaalka iyo tahriibka.