Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta  oo Ka Qayb Galay Shirweyne Caalami ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta  oo Ka Qayb Galay Shirweyne Caalami ah
GudahaWararka

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta  oo Ka Qayb Galay Shirweyne Caalami ah

By SB
Last updated: February 27, 2025
2 Min Read
Share

Abuuja Nayjeeriya(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Xoojinta Adkeysiga Xargaha Badda Hoosteeda Mara, kaas oo lagu qabtay magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya.

Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta, Shirkadaha ganacsiga iyo khubaro qaybta isgaarsiinta si looga wado hadlo caqabadaha iyo horumarinta amniga xargaha.

Maareeyaha oo xubin ka ah Hay’adda Talo-bixinta Caalamiga ah ee Xoojinta Kaabayaasha Isgaarsiinta ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (International Advisory Body for Submarine Cable Resilience), ayaa ka qayb galay wadahadallo muhiim ah oo lagu dejinayay istaraatiijiyado caalami ah si loo xoojiyo amniga iyo adkeysiga xargahaas. Wuxa uu sidoo kale ka qayb galay kulankii labaad ee Hay’adda latalinta.

Kulanka kaddib wuxuu ka qeybgalay dood-wadaag heer sare ah oo looga hadlayay xaaladda amniga xargaha isgaarsiinta ee badda hoosteeda mara; Intii uu Dood Wadaaga ka hadlayay, wuxuu tilmaamay khataraha sii kordhaya ee ka dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee isgaarsiinta, wuxuuna xoojiyay baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo sugo isku-xirka isgaarsiinta.

Isagoo ka hadlayay shirka, Mudane Mustafa wuxuu yiri: “Xargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka caalamiga ah, amnigooduna wuxuu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha, xasilloonida, iyo hal-abuurka. Waana lama huraan in dowladaha iyo daneeyayaasha isgaarsiinta ay iska kaashadaan hirgelinta siyaasad horumarsan, maalgeliyaan kaabayaal adkeysi leh, si loo ilaaliyo shabakadaha muhiimka u ah isgaarsiinta caalamiga.”

Ka-qaybgalka Mudane Mustafa ee shirka wuxuu sii xoojinayaa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee dadaallada adkeysiga dhijitaalka ah ee caalamka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xarig 15 ah ku ridday haweeneey ku eedeysan maalgelinta argagixisada

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kusoo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha khawaarijta,…

GudahaWararka
September 16, 2025

Haya’adda SODMA oo Doonyo lagu badbaadinayo Shacabka Fatahaadu saamaysay u dirtay Gobolka Gedo

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan…

GudahaWararka
November 9, 2023

‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)

“Heshiiskii Dekadda Itoobiya iyo Somaliland oo isku diray Deriska”, sidaasi waxaa cinwaan uga dhigay Warbixin lagu qoray African Defense Forum…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 5, 2024

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Muqdisho(SONNA):-Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray Kooxda naxariista daran ee khawaariijta…

GudahaMaqaalladaWararka
January 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023