Ciidamada Israel ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan deegaanada Gaza, iyagoo duqeymo ka geystay xarun iskuul iyo guryo badan oo ku yiillay Marinka Gaza, xilli la tilmaamay in uu soo dhawaaday ย heshiiska xabbad joojinta ah.
Weeraradii u dmbeeyay ayaa la sheegay in ciidamada Isrel ay ku dileen 22 qof tan iyo waaberigii saaka,iyadoo dhexdhexaadiyaasha ay xaqiijiyeen in heshiiska xabbad joojin ah oo la gaaro uu ka soo dhow yahay sidii hore,
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al Sisi ayaaย si wadajir ah ugu baaqay Israel iyo Xamaas inay soo gabagabeeyaan heshiiska xabbad joojintaoo xal u noqon kara dhinacyadaasi .
Kumanaan Israaโiiliyiin ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv, iyagoo ku baaqay in la gaaro heshiis lagu sii deynayo maxaabiista lagu haysto Gaza, iyadoo dhinaca kale boqollaal ka mid ah kuwa mayalka adag ay socod ku mareen Magaalada Jerusalem, kuwaas oo dalbanaya in dagaalka la sii wado.
Dhimashada dadka reer Falastiin eek u dhintay Gaza ayaa mareysa in ka badan 46,645,halka dhaawacana lagu sheegay 110,012 tan iyo Oktoobar 2023.