Muqdisho.(SONNA):- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, ayaa maanta booqasho gaar ah ku tagay Xarunta Guud ee Hay’adda NIRA.
Wasiiru Dowladaha iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Qaranka ayaa warbixin la xiriirta shaqada Hay’adda ka dhegaystay Maareeyaha hayโadda NIRA mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) iyo hawl-wadeennada kala duwan ee NIRA.
Mas’uuliyiinta ayaa booqday Goobta Mashiinnada Daabacaadda Kaarka Aqoonsiga ee Lafta ah, Waaxda Teknaloojiyadda iyo Nidaamyada, iyo Xarunta Kaydka Xogta ee NIRA.