Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose
    June 8, 2025
    Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris
    June 8, 2025
    Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri
    June 8, 2025
    Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka
    June 8, 2025
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho
Maqaallada

Hindise cusub oo dhowr mashariic horumarineed loogu dhisayo Caasimadda Muqdisho

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 21, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (NMDC) ayaa ah fekrad cusub oo ay wada fulinaya dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed taas oo diiradda lagu saarayo sidii loogu beddeli lahaa Muqdisho caasimad xuddun u ah gaadiidka iyo ganacsiga Gobolka looguna gaarsiin lahaa Soomaaliya horumar dhaqaale

NMDC waa nidaam gaar ah oo garwadeyn ka noqon doona, wejiga kowaad, dhismaha mashariic waaweyn oo kala duwan, oo ay kamid yihiin Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, Dekedda Muqdisho ee cusub, iyo aag-dhaqaale oo gaar ah (Special Economic Zone). Nidaamkan ayaa waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029) ahna sidoo kale mid si istiratiiji ah loo naqshadeeyay si loogu soo jiito maalgashiga maxalliga ah iyo kan caalamiga ah, loogu abuuro shaqooyin cusub isla markaana loo xoojiyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda, kuwaasi oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

“Tan iyo 2012, Wadciga maalgashi ee dalka waa isa-soo tarayay. Halka ay caqabaduhu ahayeen kuwo jiro, adkeysiga iyo go’aanka adage ee ummadda Soomaaliyeed ayaa horay inoo waday. Runtu waxa ay tahay in maalgashiga, gaar ahaan kan dalalka ka soo kabanaya dagaallada sokeeye, ay u baahanyihiin geesinimo, hal-abuur iyo sidoo kale go’aan wadareed lagu wajaho mustaqbalka. Sida horayba loo yiri, waxaa jira oo kaliya hal khatar oo ay tahay in aad ka baaqsato wax kasta haba kugu qaadate, waana khatarta ah in aada waxba qabanin” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu daahfurayay hindisahan.

Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in ay ganacsatada iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadan doonan maalgelinta mashariicdan horumarineed. Qorshaha waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu si toos ah uga qeyb qaataan maalgashiga. Nidaamkan ayaa u saamaxaya in is maalgashi isku dhafan sameystaan dowladda, dadweynaha, maalgashatada iyo hay’adaha maaliyadeed ee maalgashiga doonaya.

Wejiga hore ee Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa lagu qiyaasay in ay ku bixi doonto ku dhowaad hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah maadama ay dowladdu bixineyso dhulka iyo fududeynta ruqsadaha kale ee mashariicdani u baahanyihiin.

“ Waxa aan raba in aan ku tir-tirsiiyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan dedaalkooda kana baxaan maalgashiga ay wada yaqaanan. Ganacsigu waa in uusan qeexin oo qura faa’iidada, balse waa in sidoo kale uu qeexa saameynta uu bulshada u leeyahay, mana jiro qiimo ka badan saameyn togan. Aan wada maalgashanno kaabeyaasheenna dhaqaale kana wada faa’iidno manafiicda joogtada ah ee ka dhalaneysa.” Ayu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa dhagax-dhigtay dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ku dhowaad 50 sano ka hor balse aaney u suurto gelin sababo la xiriira duruufo dhaqaale oo jiray markaa, dagaallo sokeeye iyo muddo dheer oo dowlado kumeel-gaar ahi dalka ka jireen. Nidaamkan cusub ee maalgashiga hal-abuurka leh ayaa la filaya in uu ku guuleysto wejigiisa kowaad dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo mashariicda kale ee kaabeyaasha dhaqaalaha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Muqdisho,(SONNA):- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo…

June 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Coronavirus oo kar-kaarada jebsanaya, dad hor leh oo u dhimanaya ama qaadaya daqiiqadiiba!

Muqdisho(SONNA)-Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa aad uga sii fidaya dunida oo dhan, si gaara ah, Mareykanka iyo Yurub marka laga soo…

CaalamkaMaqaalladaWararka
March 30, 2020

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Mas'uuliyiin ka socda ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaanna hoggaaminayay xeer ilaaliyaha…

Maqaallada
June 19, 2023

Dowladda Soomaliya oo ku dhawaaqday in cafis loo fidin doono dhallinyaradda kasoo laabata fikirka khawaariijta(Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya oo ku dhawaaqday in ay cafis u fidin doonto dhalinyaradda kasoo laabata fikirka khawaariijta. Dowladda Soomaliya oo dagaal…

MaqaalladaWararka
January 21, 2023

Dhaqaalaha Khawaarijtu waa sii Bur-Burayaa (WARBIXIN)

Dhaqaalaha Kooxda Argagagxisada ah ee Al-shabaab ayaa ka caawiya sii wadidda fulinta howlgalladooda guracan iyo maalgalinta weerarada Argagaxinimo ee lagu…

GudahaMaqaallada
April 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023