Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay
    March 30, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala
    March 30, 2026
    Ra’iisal wasaare Xamsa oo magacaabay wasiir ku xigeeno cusub
    March 30, 2026
    Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS oo maamul cusub u magacowday degmada Diinsoor
    March 30, 2026
    CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO
    March 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixin: Sidee ayay halis ugu jiraan bulshada ka been sheegida Facebook geerida muwaadiniin Soomaaliyeed?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Warbixin: Sidee ayay halis ugu jiraan bulshada ka been sheegida Facebook geerida muwaadiniin Soomaaliyeed?
Maqaallada

Warbixin: Sidee ayay halis ugu jiraan bulshada ka been sheegida Facebook geerida muwaadiniin Soomaaliyeed?

By Khadar Mahdi
Last updated: November 14, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA): Waxaa baraha bulshada ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay xaalad saameyn weyn ku yeelatay xubno muhiim ah oo bulshada ka tirsan, oo ay ka mid yihiin wasiirro, saraakiil sare, saxafiyiin iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka.

Dhowr bog oo Facebook ah ayaa si lama filaan ah loo xannibay, kuwa kalena aaladu waxay ku tilmaamtay inay geeri ku timid, taasoo wiiqday marinnada isgaarsiinta ee muhiimka ah ee u adeega dadka, saameynna ku yeelatay xasilloonida bulsho ee dalka.

Ololahan isku-dubaridan ayaa xitaa saameyn ku yeeshay madaxda sare ee dowladda, oo ay ku jiraan Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Amniga.

“Qiyaas in aad ku aragtid Facebook warar been abuur ah oo ku andacoonaya geerida Wasiirka Amniga, tani waxay si toos ah uga caawineysaa Al-Shabaab inay faafiso warar aan sal iyo raad lahayn oo ay dadka ku marin habaabiyaan,” ayuu yiri Cismaan oo ka tirsan bulshada rayidka ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caadala oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono.

“Arrintani waa mid saameyn ku yeelatay dowladda iyo mucaaradka labadaba,” ayuu yiri, isaga oo xusay in loo baahan yahay in arrintan si adag wax looga qabto.

Meta, shirkadda Facebook iska leh, ayaa loo jeediyay dhaleecayn ku aaddan sida aysan muhiimadda ugu siin caqabadaha gaarka ah ee ka jira waddamada Afrika, gaar ahaan kuwa nugul sida Soomaaliya.

Mustafe Sheekh, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa tilmaamay in arrintani ay si weyn u saameysay madaxda, saxafiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladeed, taasina ay muujineyso daldaloollo dhanka siyaasadaha isgaarsiinta ee Facebook taasoo u baahan in la saxo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda ay Meta ka codsatay in tallaabo degdeg ah qaaddo si looga hortago falalka noocan oo kale ah mustaqbalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa…

March 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sidee ayey Dadku uga faa’iideystaan Baraha Bulshada?

Baraha bulshada waxay ka mid yihiin adeegyada dhinaca teknolojiyada ee dhowaan ku soo biiray caalamka ,kuwaas oo yeeshay saameynta ugu…

MaqaalladaWararka
July 18, 2020

3-da December Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah (warbixin)

Guud ahaan madaxda iyo shucuubta dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee  Naafada Xuska  maalinta Naafadaoo…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 4-aad)

Qeybtan waxaan uga hadleynaa Waxbarashadii ka dambeeysay sanadkii 1991-kii:- Dagaalladii sokeeye iyo qarankii oo dumay ayaa waxay keeneen in gebi…

MaqaalladaWaxbarashada
June 20, 2023

Guuldarooyinka is daba-jooga ah ee ay wajahayaan Khawaarijta oo sababay dagaal dhexdooda ka qarxay (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay ka fuliyeen gobolladda dalka sida…

Maqaallada
February 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023