Doolow, (SONNA): Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Nuuradiin Maxamed Khaliif ayaa sheegay in deegaanada laga xorreeyay Khawaarijta la gaarsiin doono adeegga Garsoorka iyadoo ujeedku yahay sidii bulshada ay u heli lahaayeen cadaalad iyo in sharciga lagu dhaqo deegaanadaasi.
Xeer Ilaaliyaha Guud oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in tallaabadan ay fududeyn doonto in maamulka uu horumariyo xasiloonida iyo bixinta adeegyada Garsoorka.
Xeer Ilaaliyaha oo xubin ka ah guddiga adeega garsoorka ee dowlad gobolleedka ayaa faahfaahin ka bixiyay in uu ku sugan yahay magaalada Doolow, halkaasi oo uu ka wado howlo lagu dhisayo laguna xoojinayo hay’adaha garsoorka ee deegaannada gobolka Gedo.
Wuxuu intaas ku daray in dadka deegaanka ay door weyn ku leeyihiin dadaalka ay dowladu ugu jirto sidii hay’adaha garsoorka loo gaarsiin lahaa deegaanada la xoreeyay.