Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Somaaliya, ayaa maanta daahfuray tababar socon doona labo maalin, kaas oo loo qabanayo waaxaha maamulka shaqaalaha ee dhammaan Hay’adaha iyo Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan oo ku saabsan arrimaha maamulka iyo mareeynta shaqaalaha iyo fahamka guud ee nidaamka xaadirinta shaqaalaha oo wax laga baddelay.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane, Xasan Abshirow Maxamed oo furay tababarka ayaa sheegay in muhiimadda uu leeyahay tababarkan ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa howlaha maamulka shaqalaha, isla xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka shaqaalaha dowladda.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in hay’ad iyo wasaarad walba ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta sharuucda iyo habraacyada shaqa-galka ee dowladda, kaas oo ay mas’uul ugu yihiin waaxaha Shaqada ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Diiwaan gelinta iyo Tababarrada ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Mudan,e Axmed Maxamed Xasan, ayaa sheegay in tababarkan wax badan uu ka tari doono tayeynta waaxaha shaqada ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda korna uu u qaadayo khibraddooda, iyadoo la joogeyn doona tababarro noocaan oo kale ah.