Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Waniinle ilaa Cowsweyne (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 17, 2024
6 Min Read
Share

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa shalay galab jab xooggan loogu geystay deeggaanno u dhaxeeya Waniinle ilaa iyo Cowsweyne, waxaana iska soo daba dhacaya hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinayo Ciidaamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ee ka qeybqaadatay howlgalkaasi barakeysanaa, kaasi oo looga dilay Khawaarijta isugu jirtay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan.

Durbadiiba Taliyaha Ciidanka XDS ayaa Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka, isla maalintaasina waxa uu gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howlgal ka dhan ah Khawaarijta.Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shalay isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee dhawaan jilibka u aastay kooxaha arxan-laawayaasha ee isku dayay inay dhibaateeyaan Shacabka deegaanka Waniinle oo 10 KM u jira Magaalada Ceeldheer, islamarkaana waxay u dhaxeysaa Degmada Ceeldheer iyo Magaalada Masagawaa ee Gobalka Galgaduud.

Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca deegaannka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa dorraato cashar aysan hilmaami doonin u dhigay kooxaha Argagixisada ah, waxaana halkaasi looga dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyad badan, wuxuuna taliyuhu caafimaad qab buuxda u rajeeyay Askarta geesiyaasha ah ee awoodooda u muujiyay cadawga arxanka daran, isagoo dhaqaatiirta kula dardaarmay inay ciidanka ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uuย  alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku Shahiiday Howlgalkaasi.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Somaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa shalay galabta gaarey Aaggii lagu dagaalamay ee deegaanada Waniinle iyo Dhagaxyaale oo uu ka soconayo howlgal ballaaran oo Khawaarijta jab xoog leh lagu gaarsiiyay, wuxuuna Jeneraal Dayax taliyaha ciidanka dhulkaย  ayaa ciidamada iyo saraakiisha ku sugan deegaannadaasi lagu baacsanayo cadawga ee hoostaga Ceeldheer ku dhiiri-geliyay guulaha ay soo hooyeen iyo jabka baaxadda leh ee ay ku naafeeyeen khawaarijta isku aruursaneysay dhulka howdka ah, oo wali meydadkooda haaddu cuneyso.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidaha hore ee lagula dagaallamayo khawaarijta ayaa Ciidanka xoogga ku ammaanay dhabar adeyga iyo ka mira dhalinta hadafka naf hurnimada leh ee lagu naafeeyay cadowga, wuxuuna ku bogaadiyay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka shaqada culus ee ay shalay ka qabteen kooxda canasirta ah ee khawaarijta ah, waxa uuna taliyuhu faray Saraakiisha iyo ciidanka in la xoojiyo shaqada qaran ee loo idmaday. Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga iyo madaalayaasha deegaanka, wuxuuna ciidankaย  naf hurnimada sameeyay ugu hambalyeeyay masโ€™uuliyadda iyo kartida ay muujiiyen oo ah dabar goynta argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu laayay khawaarij ka badan 50 xubnood. Howlgalkan ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidanka Qaranka, geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo malleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka dambeeyay markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta ahโ€™ in cadowga oo isku aruursanayay halkaasiโ€™, waxaana la soo warinayaa in Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay hadda ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo Malleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya in ay naftooda la baxsadaan.

Haddba waa side xaalka Magaalada Ceeldheer? Wararka ka imaanaya Magaalada Ceeldheer ayaa sheegaya in Degmooyinka bariga Galgaduud dhamaantoodย  shalay ilaa Xlayย  ay ahaayeeen โ€˜lacag laโ€™aan Maqaayadahooda goobaha lagu shaaheeyoย  waa freeโ€™, taasi oo ay ugu dabaaldagayaan guushii ay gaareen kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, islamarkaana la gaarsiiyay jabkii ugu weynaa ee loo geysto kooxdaasi qowleystada ah, waxaana maalintaasi looga dilayย  57 ka tirsan Maafiyada markii shalay deegaannada u dhaxeeya Waniinle iyo Cowsweyne dhegta dhiigga loogu daray. โ€˜GUUL IYO GOBONIMOโ€™ ayaan u rajeyneynaa intii ka qeybqaadatay howlgalkaai barakeysnaa.

โ€œWaa ka xumay in Dad Masโ€™uuliyiin ah ay macaash siyaasadeed ka raadiyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso Khawaarijta ay nooleeyaan, balseay la yimaadaan aragtiyo ay wax ku dhisi karaan, iyagoo cabsi ka qaba guulaha is daba jooga ah ee ay dowladdu gaareyso inay cudur daar ka dhigtaan Shabaab ayaa nool oo aan ognahay waxa lagu sameeyay khawaarjita ay arkayaan shacabka Soomaaliyeed, waxa ay dowladdu sameyneyso, dabcan waa dabci xun iyodhaqan siyaasadeed xun oo liita, waxaana laga filan karay inuu aragti dowladnimada dhiseysa oo wax u kordhineysa la yimaado, laakiin uu jeclaan lahaa guulaha Khawaarijta, si uu Idaacad u soo koro oo uu sheego waxyaaba qaldanโ€, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

Taa waxaa daliil u ah Qolyahaasi marna ma soo hadal qaadin guushii weyneyd ee gaareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo shalay dagaal faraha la isaga gubtay ka dhacay deegaannada u dhaxeeya Waniinle ilaa Cowsweyne,guushii, balse haddii ay wax yar oo guul ah ay helaan Khawaarijta aad bay u buun-buunin lahaayeen, โ€˜dowladdu waxay ku fashilantay dagaalkaโ€™, ayay dhihi lahaayeen, waa sida caadadood ah.

By. C/lahi Ruush

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-(SONNA)-Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaaย  maanta si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi…

GudahaWararka
September 7, 2024

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qaabilay safiirka Shiinaha

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi…

GudahaWararka
October 21, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, nuqul ka mid ah warqadaha…

GudahaWararka
August 4, 2025

Ceelwaq oo xaaladda adag laga soo warinayo,ka dib daadad ka dhashay Roobab ka da’ay

Muqdisho,(SONNA):-Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba'an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay…

GudahaWararka
December 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023