Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay xeerarka caalamiga ah”

By Bile
Last updated: July 6, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Khudbad madaxweynuhu uu jeediyay mudaneyaasha labada Gole ayaa uu uga warbixiyay xaaladda dalka, isaga oo ka dalbaday in howlaha horyaalla uu Baarlamaanku u guto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka JFS ku bogaadiyay dardargelinta qodobada qabyada u ah sida qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dalka oo cutub kamid ah lagu dhammeystiray kalfadhigii 4-aad ee kan ka horreeyay.

“Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah kooxda khawaarijta ayaa tilmaamay in deegaannaddi laga xorreeyay argagixisada ee uu dhawaan  uu booqday inay ka muuqdaan isbeddel dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah.

“Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka been abuurka ah ee tibaaxaya in dowladdu wadahadalo la fureyso kooxda khawaarijta ee shabaab, waxaana uu yiri “Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo”.

Dhan kale mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wadahadalka ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkigu ee ay isugu yeertay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inuu yahay codsi ka yimid dowladda Itoobiya balse Itoobiya aysan beddelin mowqifkeedii ku xad-gudubka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasina ay keentay in gogosha la madlo mar kale iyada oo aanan ka wada hadal.

“Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

 

 

TAGGED:Madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida”
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya howl gallada lagu cirib tirayo khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka…

GudahaWararka
October 18, 2023

Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Xudur (SONNA) - Xaflad lagu muujinayey ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka Cusub ee ay soo diyaarisey Dowladda Soomaaliya ayaa…

Wararka
January 18, 2020

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo kormeeray goobaha doorashooyinka ee gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Xubnao ka mid ah Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah Seejooyinka loo…

GudahaWararka
February 11, 2025

Wasiir ku-xigeenka Tamarta & Khayraadka Biyaha XFS oo shir Tamarta ku saabsan uga qeybgalay Abu-Dubai+sawirro

Abu,Dubai (SONNA) Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim,Wakiilka Soomaaliya ee Hay'adda…

Wararka
January 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023