Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS ayaa maanta kulan la qaatay kormeerayaasha imtixaanka shahaadiga ee ka hawl galaya gobolka Banaadir.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wasiirka uu ka dhageysto kormeerayaasha caqabadaha ay la kulmeen Afartii maalmood ee uu imtixaanka socday iyo talooyinka ay u soo jeedinayaan wasaaradda.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Agaasimayaasha guuud, Agaasimaha waaxda imtixaanaadka iyo shahaadooyinka iyo guddoomiyaha guddiga imtixaanka.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay guddiga imtixaanka iyo dhammaan kormeerayaasha sida ay waqtigooda ugu soo hureen u adeegidda Qaranka iyadoo lagu jiro maalin fasax ah oo loo dabbaal dagayo maalmaha xorriyadda dalkeenna.