Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?
GudahaMaqaalladaWararka

Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 29, 2024
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana waa seef laba af leh.

Inkastoo, Baraha bulshada ay yihiin qalab awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh haddana dhanka kale, waxaa jira saameyn xun oo ka dhalata isticmaalka badan gaar ahaan Aaladda Tiktok oo maalmihii u dambeeyay ay soo bateen macluumaadka aan wanaagsaneyn ee lagu faafiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khaladaadka ka dhaca baraha bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa isagoo ka hadlayay Barnaamij dood furan oo ay qabatay wasaaradda warfaafinta wuxuu ku sheegay in inta karaankooda ah ku dadaalayaan sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa si xun u isticmaalka baraha Bulshada oo Tiktoka ugu horeeyo.

” Wasaaraddu inta karaankeeda ah ama tabarteeda gaarsiisan tahay maanta ma islihi wax ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hagratay ayaa jiro ma islihi ee inta awooddeena ah gaarsiisan tahay, dadaal ku dari karno dheeri ah, marka xaggaas gaabis kama jiro, laakiin, waxaa iska jira culeys guud, waxaa jira dhallinyarada fursadihii shaqo ama saaxaddii shaqo ay u baahnaayeen in ay ka helaan dalkooda iyo baahida tababarta dowladdooda marka la fiiriyo runtii wax isku dhow ma ahan, marka aad fiiriso xaddiga iyo barsanteejka dhallinyarada aqoonyahanada ah ee Jaamacadaha ka soo baxa ee sanad kasta labaatan kun ka badan ka soo baxda iyo suuqa shaqada waxa yaala,”.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla ayaa dhankiisa sheegay in ka wasaarad iyo dowlad ahaanba ay ku baraarugsan yihiin halista ka dhalan karta isticmaalka xun ee baraha Bulshada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay wadaan qorshe ay kaga hortagaan dadka fara ku tiriska ah ee macluumaadka iyo xogaha aan sugneyn faafinaya ama ka beeray dhaqankeenna suuban.

” Waxa aan ka hadleynaa waa inta yar ee sida qaldan u isticmaasha, nolosha waxa caadiga ah ee dadka bini-aadamka ka barteen waxaa waaye waxa xun iyo waxa wanaagsan markasta waxaa xawaara dheereeya waxa xun, marka waxaa laga yaabaa boqolaal qof in ay runtii fariimo wanaagsan gudbiyaan laakiin hal fariin oo xun in ay ka saameyn badan tahay, waxaa runtii wasaarad ahaan bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyn arrintaan inaan daraaseyno, waxaanna ogaanay in ay inoo soo baxday runtii oo dareensan nahay halis weyn oo haddii aan maareyn dadka Soomaaliyeed sida ay mudan tahay ugu baraarugin oo dowlad iyo dad ahaan iskaashanin nagu yeelan doonto saameyn aad u xun oo natiijadeedu hadda iyadoo ficil ah bilaabatay,”.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa hoosta ka xariiqay in saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada ay ka dhalan karto khatar amni oo ay ganbaad ka dhigtaan kooxaha Khawaarinta.

” Khatarta amni ee baraha Bulshada waxaa kow ka ah in ay keyn u tahay kooxaha Khawaarijta ee lidka ku ad Diinteenna suuban,” ayuu yiri Sheekh Qorane oo dhallinta Soomaaliyeed u iftiiminayey in ay dhanka wanaagsan ka eegaan isticmaalka baraha Bulshada oo ah seef labo af-leh.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka ee Dood-furan ayaa fikirkooda ka dhiibtay qaabka iyo hanaanka ugu fudud ee dhallinta loogu jiheyn karo in ay si wanaagsan oo faa’ido u leh adduunkooda iyo Aakhiradoodaba u isticmaalaan baraha Bulshada, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Aaladda Tiktoka ee goobta ka hadlay ka mid ah Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada.

” Aaaladda Tiktok waa ka saameyn badan tahay Aaladaha kale, Dowladdu ha timaado Aaladda Tiktok si ay u aragto dadka sida khaldan u isticmaala,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.

Waxaa sanadihi danbe soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada ay isticmaalaan soomaali badan gaar ahaan Tiktok , Facebook, Youtube iyo Snapchat, Twitter iyo qaar kale oo badan, waxayna qabiiriinta internetka sheegaan in isticmaalka Baraha Bulshada ay leeyihiin faaโ€™ido iyo qasaare labadaba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Muqdisho “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray…

GudahaWararka
May 19, 2021

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo madaxweynaha Kenya Ruto kala hadlay fududeynta dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaariijya

Muqdisho,(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula…

GudahaWararka
July 27, 2023

Taliyaha Booliiska oo shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey xoojinta Amniga iyo la dagaalanka tahriibta

Muqdisho(SONNA(:-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan looga…

GudahaWararka
May 1, 2025

Guddiga dib u eegista Dastuurka oo bilaabay ka doodista heshiiskii madasha wadatashiga Qarankaย 

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee dib u eegsita iyo hirgelinta Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye…

GudahaWararka
July 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023