Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya mudane Alper Aktas.
Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaarada mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah Iskaashiga labada dhinac, Dib u xorreynta, dadaallada Xasillinta iyo Arrimo kale.
Wasiir Xoosh ayaa kaga warbixiyay safiirka guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka sida arrimaha dagaalka khawaarijta oo laga saaray magaalooyin badan, deynta cafinta iyo cunaqabteynta hubka oo haatan Soomaaliya laga qaaday. Wasiirka ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ay mar walba la garan joogaan Soomaaliya.