Muqdisho (SONNA): Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa xusaya maalinta caalamiga ah ee Adeegga xogta iyo macluumaadka Hawada oo dunidda oo dhan laga dabaal-degga , laga soo billaabo 15 May sannadkii 1953, markaa oo Hay’adda duulista Rayidka adduunka ICAO ay u aqoonsatay maalin caalami ah oo la xuso howlqabadka waaxyaha iyo howlwadeennada Adeegga xogta iyo macluumaadka hawada.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , ayaa sare u qaaday howlaha Adeegga xogta iyo macluumaadka Hawada, taa oo gacan ka gaysatay horumarinta adeegga Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
“ Adeegga xogta iyo macluumaadka Hawada, wuxuu laf-dhabar u yahay Duulista Rayidka… howlwadeennada waaxdaa waxay si hagar la’aan ah u aruuriyaan, u maareynaya, una faafiyaan xog muhiim u ah duuliyayaasha, maamulayaasha hawada, iyo daneeyayaasha kale ee duulista. Doorkooda ayaa muhiim u ah ilaalinta badbaadada, hufnaanta, iyo isku halaynta ku duulista hawada.” ayuu yiri maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka mudane Axmed Macallin Xasan.