Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa kormeeray xarunta Guddigga Doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin la xiriirta howlaha socda iyo qorsheyaasha ka dhageystay howlwadeennada guddiga.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaabogaadiyey hawlaha guddiga, isaga oo carabka ku adkeeyay in shaqooyin badan oo hortabin u leh Qaranka ay u yaalaan guddiga, lana soo dhammaystiri doono guddiga oo xubnihiisa ay ka badan doonaan intii hore.