Muqdisho (SONNA):- Kulanka Habeenka Qurbe joogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Xildhibaano, ururada bulshada rayidka qurbe joogta iyo diblomaasiyiin
Caasho geesdir oo u ololeysa nabadda, Seynab laba dhagax iyo Leyla Abuubakar, La taliye sare Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Isķaashiga Caalamiga oo ka hadlay kulankan ayaa muujiyay ahmiyadda kulanka oo looga hadlayay isdhexgalka iyo xogwareysi bulshada qurbe joogta waxaana ay ugu baaqeen in si buuxda loo taageero ansixinta dastuurka si dalku uga guuleysto la dagaalanka Khawaariijta iyo dhismaha dowladnimada.
Ibraahim Guurre Maxamed, Agaasimaha Jaaliyadaha iyo Qurbejoogta Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa ugu baaqay qurbe joogta in ay ka qeyb qaataan Dib u dhiska dalka maadaama ay door muuqda ku leeyihiin dowlad dhiska.
“Qurbe joogta waxay laf dhabar u yihiin horumarka dalka waxaa loo baahan yahay in ay qeyb ka qaataan Dib ugu soo laabashada dalkooda iyo la dagaalanka Khawaariijta” ayuu yiri Guure, Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbe joogta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ku hadlayay afka xildhibaanada ayaa munaasabadda ka sheegay baahida loo qabo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed si loo gaaro Himalaya dowlad dhiska waxaana uu ugu baaqay qurbe joog in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Khawaariijta.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Isaaq Maxamed Mursal oo soo xiray kulanka habeenka qurbe joogta ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo qeyb galay