“Heshiiskii Dekadda Itoobiya iyo Somaliland oo isku diray Deriska”, sidaasi waxaa cinwaan uga dhigay Warbixin lagu qoray African Defense Forum ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka. ‘waxaa bilowday hamiga Itoobiya ee ah in ay dib u soo ceshato marinka badda cas, waxa ayna isu rogtay khatar xoog ah oo ka dhan ah deriskeeda xeebaha leh dabayaaqadii 2023-kii, waxayna hadda sii hurinaysaa cabsida dagaal’.
‘Sannadkii hore, dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah’, sida lagu sheegay Warbixinta, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalkiisa “xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaamay “xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uuna ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya inay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si “loo xaqiijiyo nabad waarta.” “Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada, sida uu sheegay wargeyska The Nation ee Kenya.
“Tani waa warka wanaagsan ee aanu u gudbinayno dhammaan shacabka Itoobiya, Somaliland iyo dhammaan dadka nabadda iyo horumarka jecel,” ayuu Abiy ku yiri shir-jaraa’id oo uu TV-ga kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Heshiiskan oo socon doona 50 sano ayaa Somaliland ku kiraynaysaa 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, si ay u hesho deked iyo in ay saldhig ciidan ka samaysato. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland siin doontaa saami aan la shaacin tirada ay ku yeelan doonto shirkaddeeda duulimaadka ee dawladdu maamusho.
Taa maxaa xigay? Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. “Ma jirto cid awood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.”
Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad 30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry oo dalkiisu uu khilaaf xooggan ka dhexeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo xireenka Webiga Niil, ayaa sheegay in heshiiska Somaliland uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay Itoobiya ku tallaabsato hal dhinac oo aan tixgelinaynin danaha dawladaha Afrikaanka ah. “Waxay cadeysay aragtida Masar ee la xiriira saameynta siyaasadahani ku leeyihiin xasiloonida gobolka iyo kor u qaadista xiisadda ka dhex jirta waddamadeeda,” ayuu u sheegay wargeyska The National. “Itoobiya waxay noqotay isha qalalaasaha ka jira deegaanadeeda.”
“Xubnaha Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta waxaa u ololeyn doonaan dhammaan dhinacyada, Markaa, waxay u badan tahay inay kor u kacdo isku-soo-bax siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo dhinac walba ah”, sida ay qortay ADF.
“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”, sidaasi waxaa yiri: Wasiir dowlaha Amniga ee XFS Mudane Maxasmed Cali Xagaa, isaga oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.
Wasiira xagaa ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada Waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi inaan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako ka mid ah dhulka, leyskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.
Tan iyo markii horrantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya.
Haddaba Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlaayay Dacwada ay Soomaaliya u gudbisay kuna aadan xadgudubka Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee ay Dowlada Ethiopia, kadib markii ay heshiis is-Afgarad la yeelatay Maamulka gooni goosadka Somaliland, kaasoo u oggolaanayaa inay maamulato Xeebta Degmada Lughaya iyo ilaa Xuduuda labada Dal, “waxaana lagu soo waramayaa in kulankaan ay si gaar ah diiradda loogu saaray xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo cirka isku sii shareeraysa loona baahan yahay in marka hore ay raali gelin ka bixiso, kana laabto Heshiiska, Danjire Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay ka codsatay Urur Goboleedka IGAD inay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay diiday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”, sida uu SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan oo wax ka qora arrimaha Ammaanka.
“Golaha Amaanka waxay 29-kii bishii January ee la soo dhaafay qabteen shir cinwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulankaasi, si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faahfaahin ah kama uusan bixin go’aankoodu ku aadan Dacwada Soomaaliya, ku darsoo Ururka Goboleedka IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah isna kama soo saarin codsiga Ethiopia”, ayuu sii raaciyay Ciise Xasan.
Dhinaca kale Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa Jimcihii (February 2) kaga qeybgalay shirkii 3-aad ee Madasha Wasiirada ee Indo-Pacific ee Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxa uuna ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda Caalamiga ah, islamarkaana ay ilaaliso madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ku booriyay Maamulka Addis Ababa inay door wax ku ool ah ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira gobolka, halkii ay hurin laheyd xiisadaha cusub oo ay ka aloosto Bariga Afrika.
Ku darsoo La-taliyihii Arimaha Dibada Aby Ahmed ayaa magan-galyo siyasadeed waydiistay Belgium. La taliyaha Magaciisu waa Gedu Andargachew.Qabiilkiisu, waxa uuna ka soo jeedaa Qowmiyadda Amaarxa, waxaa kaloo la sheegayaa inuu horay u soo noqday Madaxweynaha Kililka Amxaarada, balse waxa uu hadda ahaa la- taliye Sare oo Arrimaha dibadda kala taliya Raiisul-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed. Waxaa la is weydiinayaa in Abiy goorma ayuu isna magangalyo dalaban doonaa?, maadaama uu ku hor kufay fagaarayaasha siyaasadeed ee Caalamka iyo tan Ummadda Itoobiya.
By. C/lahi Ruush