Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
GudahaWararka

Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

By Bile
Last updated: January 20, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS)

2) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3) Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

5) Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

6) Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka iyo Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed. Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasaaradda Beeraha. Intaas kadib wasiir dowlaha ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la weydiyey .

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharciyeedyada maray akhrinta 1-aad Guddiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

TAGGED:Mudaneyaasha Golaha Shacabka oo akhrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedyo muhiim ah
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):-Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in tiro badan oo argagixiso ah lagu dilay Gobolka Sh/Hoose

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo Goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay dagaalkii saaka ka…

Gudaha
April 3, 2021

Boqolaal Qoys oo ay saameeyeen abaaraha Gedo oo ka ka faa’ideystay gar gaar Hay’adda Hormuud foundation gaarsiisay+sawirro

Hay'adda Hormuud Foundation ayaa waxay deeq RaashiIn gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa…

Wararka
October 7, 2019

Xalka Khawaarijtu waa Xabad (WARBIXIN)

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo Cirka ah, kuwaasi oo ay wadaan Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka…

GudahaMaqaallada
September 3, 2023

Wasaaradda gaashaandhigga oo ka warbixisay hawlgallada Khawaarijta lagu ciribtirayo ee Galmudug ka socda

Muqdisho (SONNA): Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa'id ku qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho…

GudahaWararka
September 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023