Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka
    November 9, 2025
    Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool
    November 9, 2025
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Dardar galka howlgalladda ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dardar galka howlgalladda ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dardar galka howlgalladda ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 25, 2023
7 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Daka Soomaaiiyeed waxa uu beryahaan wadaa howlgallo ku socda xowle, kaasi oo lagu xoreynayao deegaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna gacan dowladda soo galiyeen deegaanno aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Degmada Celdheer, Masagawaa, Hilowle Gaab, Maraay Suuleey iyo kuwa kale o ka kala tirsan Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galguduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in howgallo ay ku khaarijeen 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga, Howlgalladaasina waxay dhaceen degaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ballaaran ka soo hooyay dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta Shabaab, kaasoo ka socda qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, iyadoo howlgalladdii ugu dambeeyay Khawaarijta looga saaray dhul ballaaran oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, sidoo kale waxaa howlgallo naafeeyay Khawaarijta ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland.

Dhulka laga saaray Khawaarijta waxaa ka mid ah howdka Shabeeloow, waddada muhiimka u ah ee Caadleey, Buurta Yacgoos, Baraag Ismaaciil, iyo kuwa kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, waxaana War-saxaafadeedka lagu sheegay in deegaannadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah Khawaarijta. Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo ciidanka difaaca shacabka ayaa khawaarijta ka sifeeyay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer, Magaalada Masagawaa, deegaanka Maraay Suuleey oo ka tirsan bariga gobolka Galguduud.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inta ay socdeen howlgalladaasi waxaa lagu dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarij, waxaana laga furtay Hub, waxaana la burburiyay qalab kala duwan iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaatrijta, ugu dambeyntiina Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hambalyo dhiirigalin ah u dirtay geesiyaasha Qaranka, uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garab taagan taageerada ballaaran. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Difaaca shacabka waxaa ka go’an in dalkeenna laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Dhinaca Galmudug, Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex-Jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta gobolka Mudug, halkaasi oo Ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ay cadowga casharo ugu dhigayaan. Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor iyo kuwa difaaca Shacabka ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidanka Qaranka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka shalay ka dhacay Deegaanka Jeex Jeex, islamarkaana Khawaarijta laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay oo hadda la sii baacsanayo firxadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka u dhow Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub. “Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada ah, kaasi oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, iyadoo la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen aagga Caad”. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel deegaanka Caad u jirto 10 KM, halkaasi oo kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, Gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yiri taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Warka Taliyaha waxa uu daba joogaa oo uu faahfaahinayay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

“Annaga nooma talin kartaan, Wiilal aan deegaanka u dhalan”, sidaasi waxaa yiri Oday ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha dega magaalada Guriceel, kaasi oo ay ku wareejanayeen Xoolo nool Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka oo markaasi ku sugnaa goobtooda difaac.

Dhinaca kale Garab istaaga ayuu  Wasiirka Gaashaandhiga u muujiyay Aabe Siciid Cabdullaahi Cawaale oo soo Afjartay fikirkii ay khawaarijta Al-shabaabku ku cabsi galin jireen dadka deegaanka, taasi oo ay u sheegi jireen in aysan dowladu difaaci doonan sidaa daraadeed ay dagaalka ka baaqsadaan una dulqaataan duleynta ay ku hayaan, waxaana la gudoonsiiyay Qoriga loo yaqaan AK 47, kadib markii uu qaadi waayay Qoriga ay Soomaalidu u taqaan Baasuukaha, kana codsaday Wasirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac inuu siiyo Qoriga meelaha fog fog wax lagaga  tookto.

Aabahaan Saciid Cabdullaahi oo 77 sano jir ah ayaa aad uga mahadceliyay Wasiirka Gaashaandhigga oo Qorigaasi siiyay, si uu u sii wato howshiisa uu iskii isugu diray, waxa uuna goor walba u taagan yahay la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee al-shabaab, waxa uu ka soo qeybqaatay dagaallo badan oo ka dhacay deegaannada uu ka soo jeedo.

Dowladda Somaaliya ayaa haatan galisay dardar cusub dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, maadaama uu hakad ku jiray sababo la xariira Roobab iyo Fatahaado aad u daran markii ay ka dhaceen dalka kadib, balse haatan waxaa istaagay Roobabkii, islamarkaana waxaa yaraaday daadadkii ka dhashay fataha Webiyada iyo kuwa ka dhashay Roobabka, sidaas awgeed ayaa hadda waxaa socda howgallo lagu sii baacsanayo kooxda, waxaana gacanta Khawaarijta laga bixiyay Degmooyin iyo deegaanno fara badan oo ay ugu muhiimsan tahay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee bariga Gobolka Galguduud.

By: C/lahi Ruush  

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan ku saabsan arrimaha isuduwidda hawlaha Bini’aadanimo oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho (SONNA); Guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada…

GudahaWararka
March 4, 2025

Madaxweynaha JFS oo furay Shirka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee  Soomaaliya.

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi…

GudahaWararka
October 16, 2023

Ciidanka xoogga oo howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka wada dhul ballaaran oo ka tirsan Galmudug.

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka wada dhul ballaaran oo ka tirsan Galmudug. Halkaan waa…

GudahaWararka
January 29, 2023

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA);-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya…

GudahaWararka
November 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023