Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha aqalka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta furay shir-sanadeedka 4-aad ee Haweenka Xildhibaannada ah oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaannada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad, ayna ka soo qayb galeen xubno ka tirsan Xildhibaannada Haweenka Dowlad Goboleedyada dalka, ururada Haweenka iyo marti sharaf kale ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa horumarinta Haweenka iyo ka guul keenidda xuquuqdooda siyaasiga ah ee ay dalka ku leeyihiin.
Guddoomiye Timacadde oo shirka furay ayaa sheegay in haweenku yihiin laf dhabar iyo aas-aas muhiim u ah jiritaanka qoyska iyo qaranka, Waxaana uu ku bogaadiyay Haweenka kaalinta muhiimka ah oo ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isagoo ballanqaaday in ay kala shaqey doonaan xoojinta ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda si loo xaqiijiyo xuquuqdooda dastuuriga ah.