Geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid la sii jaangooyay tan iyo 2060-ka, shalay ayaana waxaa magaalada Muqdisho lagu daahfuray Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeybgalay Munaasabaddan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, Wakiillada beesha caalamka iyo Ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddeysan ee horyaalla Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.
Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;
1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.
- Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.
- Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.
“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.
Iyadoo khudbad ka jeedinaysay furitaanka Hannaanka Horumarineed ee Hiigsiga Qarniga ee Soomaaliya ee 2060-ka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ugu hambalyeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, hoggaamintooda dhiirigelinta leh ee mashruucan. Hadalkeeda, Catriona Laing, waxay ku carrabka ku adkeysay muhiimadda is-dhexgalka gobolka, sinaanta jinsiga, isbeddelka digital-ka ah iyo magaaleynta ee horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijisay taageerada Qaramada Midoobay ee muddada dheer.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Madaxweynaha oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada iyadoo dhankooda Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.
Dhinaca kale Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka? Su’aashaasi waxaa ka jawaabaya Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda “Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hey’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”.
Dr: Xuseen waa uu sii waday sababeyntiisa “Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG”.
“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu ku sharaxay sababaha lagu dhameystiri waayay Dastuurka. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10-aad ayaa fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixinno ay soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka”, ayuu Qoralkiisa ku xusay Dr: Xuseen Shiikh Maxmuud
Qoraagu waxa uu caqabadda ugu weyn ku tilmaamay inay aheyd “Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladdii hore, isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda”.
Haddaba maxaa laga yiri doodda dhameystirka Dastuurka? “Doodaha taabanaya masiirka dalka iyo dawladnimada waa kuwo u baahan in lagu wajaho daacadnimo siyaasadeed iyo hufnaan indheergaradnimo. Ma aha kuwo qaadi kara qardajeex, barmuudayn iyo jajuub. Ma jirto cid ka soo horjeedda dhammaystirka dastuurka ee waxaa la diidan yahay in dastuurka la jabsado ama laga dukaamaysto”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidaasi qaba.
“Haddii khudbadihii siyaasiyiinta u tartamayay xilka Madaxweynaha dalka ay ka hor akhriyeen Barlamaanka hortiisa, haddii dib loo dhageysto waxaa laga helayaa iyagoo ballanaqaadaya dhammaystirka dastuurka in ay ugu jirto waxyaalaha hortabinta u lahaan doonta haddii……Marka la yimid in si ficil ah in wax looga qabtana waa kanaa qofka kale!. Abwaan Gaariye AUN ayaa waxaan ka maqlay; Haddaan guga kuu kordhaa, Gabow mooyee ku tarin, Garaad iyo Waaya arag, Ileen wax ma dhaantid geed”, Sidaasi waxaa ku sifeeyay kooxd beryahaan hadallo laga maqlayay Axmed Macallim fiqi Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.
Yaan la isku qaldin Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaasi waxaa qaba Dr: Cali Maxmed Geeddi oo ahaa Ra’iisulwasaare hore, “ haddi Xasan Shiikh ku guuleysto Deyn cafinta, qaadista cuneqabateynta, laguna biray Bulshada Bariga Afrika, Khawaarij laga xoreeyo Dalka, marka Dalka horumarkiisa uma muuqdee waxaa u muuqda Xasan Shiikh, guusha Madaxweynaha waxay la micna tahay Qaranka oo guuleystay, waxaan kaloo maqlaayay kuwa dhahaaya Dastuurka la bedel maa, Dastuurka bedelkiisa waxa uu la jaan qaadaya Bulshada Dastuurkaas iska leh”.
By C/laahi Ruush