Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sawirro:Madaxda qaranka iyo Munaasabada caleemo saarka maamulka Waqooyi bari
    January 17, 2026
    Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari
    January 17, 2026
    Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga
    January 17, 2026
    Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya
    January 17, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti
    January 17, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo arrimo kale

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: November 22, 2023
2 Min Read
Share

London (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta cilmi baarista amniga RUSI ee magaalada London kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faahfaahiyey marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho ah: Dagaal militari, dagaal dhaqaale
iyo dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in kabadan Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha JFS DR. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMs ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada. Madaxweynuhu Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada AMTs dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka 2024.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay Madaxweynuhu doorkooda halganka dib u xoreynta isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Sawirro:Madaxda qaranka iyo Munaasabada caleemo saarka maamulka Waqooyi bari

Laascaanood(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS, iyo madax kale oo…

January 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida DR Maxamed Yuusuf

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud…

GudahaWararka
February 28, 2025

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha bixinta Baasaboorka Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu…

Wararka
July 24, 2023

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Magaalada Beledweyne

Beledweyne(SONNA);-Wabiga Shabeelle ayaa Saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas…

GudahaWararka
November 12, 2023

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo u gudbay wareegga 2-aad

Muqdisho.SONNA.....Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada…

Gudaha
March 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023