Nuqdisho(SONNA):-Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada dowlad goboleedka Puntland ee katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa fashiliyay Miino ay kooxda Daacish dooneysay iney ku dhibaateyso shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Bulsho iyo shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan.
Hay’adaha amaanka ayaa baacsanaya dhagar qabaha waxaana la filayaa in dhawaan gacanta lagu dhigo ooย shacabka loo soo bandhigo.
Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed, labadiisa heer ee Dowlad Goboleedyada iyo Kan Dowlada dhexe ayaa ka mideysan ilaalinta nafta iyo maalka muwaadidiinta.