Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Ciidamadda dowladda oo ay wehliyaan ciidamadda deegaanka oo haystay xog ay la so wadageen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa fuliyay holwgal qorsheysan oo ka dhanka kooxda cadawga ah ee khawaarijta, iyaga oo gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.
Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay ilkacase kaas oo in badan bulshadaย ay ku sheegeen in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka.
“Geesiyaasha Bariga Galguduud waxa ay Maanta ka hawlgaleen gudaha Ceeldheer, Horjoogayaal halkaas joogay qaar waa dileen, kuwo nolasha ayay ku soo qabteen kuwana waa dhaawac, Dhul ninkiisa ayaa leh! Guulaysta, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiirka Al-cadaala.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen khawaarijta howlgalka guulaystay lagu qaaday.
Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.