Columbus (SONNA):- Xaflad lagu taageerayay dowladda Federaalka Soomaaliya laguna soo dhaweynayay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.
Ururka Talawadaag oo kulankaan soo agaasimay ayey u jeedada waxa ay ku sheegeen in la jooga xilligii dowladda la taageeri lahaa, iyada uu dalka ka socda dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xayir Ducaale oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu uga mahadcelshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio, isaga oo ku bogaadiyey dadaallada ay dowladda ku taageerayaan.
Dhanka kale Agaasimaha ayaa dhawaajiyey in dowladda ay ku filantahay bixinta mushaarka Ciidanka dowladda, laakiin ay jiraan ciidanka deegaanka kuwaas oo is-xilqaamay, iyaga oo aan qaadan wax mushaar ah.
โWaxa aan idinka codsanayaa haddii aad tihiin reer Columbus Ohio, in aad gashaan dadaalka dhaqaalo aruurinta iyo dadaalka garab istaag dowladda, labadaas wax weyn bay tarayaan,” sida uu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Xayir Ducaale.