Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shirgudoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Doorashooyinka
    November 13, 2025
    Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kampala
    November 13, 2025
    Golaha Shacabka oo xilka u dhaariyay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska
    November 13, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya
    November 13, 2025
    Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiisyo Is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga
    November 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: 120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

120 isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin oo lagala wareegay Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 22, 2023
7 Min Read
Share

Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 202-kii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Sanadka ay dowladdu waddo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta waxa uu ahaa, sanad khawaarijta la dilay, la dhaawacay, la qabtay, la cunaqabateeyay iyada oo inta soo hartayna lagu daba jiro firxadkooda.

1.Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.

Si loo xanuujiyo Khawaarijta ilaa seddax shirkadood oo dabagalka lagu ogaaday ayaa shaqooyinkoodii ku waayay kiiskaasi, kooxaha Khawaarijta ayaana ka quustay isku day kasta oo ay ku doonayeen in ay kaga dhuuntaan indhaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed, xitaa waxay isku dayeen in ay isticmaalaan qaabka lacag dhaqidda iyada waa looga dabatagay, sharciyo ayaana laga soo saaray, sidaasi awgeed bilo gudahood Khawaarijtu waxa ay weysay lacagtii faraha badneed ee ay qasabka uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed,  kaddib markii dhammaan shacab iyo ganacsato ay u hoggaansameen amarka dowadda.

Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balse  intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

2.Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

3.Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud ayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaa’udiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta.

Dowladdu waxay sidoo kale xirtay 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4) afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.

Ugu dambeyntii Ammaanka iyo Nabadgelyada waa masuuliyad wadareed waxaa loo baahan yahay in ciidamada ammaanka iyo qof kasta oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga wada qayb qaato dagaalka lagula jiro Argagixisada ku soo duushay Dalkeenn, waxaase la yaab leh siyaasi aan marnaba ka qeybqaadan halganka lagu jiro, islamarkaana duco duceynaya ee hadhow Boorso iyo Jaakado ama Koorar waaweyn inta soo qaada doonaya inuu xil ka qabto Dalka, kuwaasi Shacbka Soomaaliyeed lama simayaan kuwa habeen iyo maalin u taagan, kuna sugan Jiidda hore ee dagaalka, marka si siman ma u wada wadaagi karaan Xilalka ugu sarreeya Dalka?, jawaabtu waa maya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shirgudoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Doorashooyinka

Muqdisho(SONNA):-Taliyah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabullaahi oo uu wehliyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka…

November 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Laamaha Ammaanka ee gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay nin loo haysto fal dil ah 

Muqdisho,(SONNA):-Taliska Qeybta Guud Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabaha fal dil…

GudahaWararka
August 11, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo faray golah wasiirrada iyo guud ahaan hay’adaha dowladda in ay ka qayb qaataan halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayuu ku faray Hay’adaha Dowladda…

GudahaWararka
August 17, 2023

SoDMA iyo WFP oo kawada hadlay arrimaha gar-gaarka dalka

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda…

GudahaWararka
January 18, 2025

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮…

GudahaWararka
January 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023