Muqdisho (SONNA): Guddoonka guddiga saaxiibtinimada Labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qadar ayaa maanta kulan hordhac ah la qaatay safiirka dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya danjire Dr. Cabdulalhi bin Saalim Al-nucaymi.
Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn ayey sidoo kale xubnaha guddiga saaxiibtinimada iyo safiirku ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga xiriirka labada dal iyo xoojinta wadashaqaynta labada Baarlamaan oo hadda samaystay guddiyo saaxiibtinimo oo ka shaqaynaya horumarka iyo isku xirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Majlis Shuuraha Qadar.