Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Madaxweyne Xasan Sh. Maanta waxa uu nooga baahan yahay hiil:(WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 30, 2023
6 Min Read
Share

Hadal heyntii beryahaanba la isla dhex marayay ayuu shalay soo Af jaray  Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan Argagixisada, wuxuuna ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha weyn laga gaari lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee hoos tagta Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasi oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka sameysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaasi lagu dilay, Maleeshiyaadkoodana ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay sii dhameystireen ama dileen, maadamaa aysan heysan goob caafimaad ama isbitaal ay ku daweeyaan dhaawacyadooda, isagoo balaln qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal-wadareedyada ay ka sameeyeen Goobaha ay hadda gacanta ku hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay in la gaaray xilligii la xisaabtanka kuwa la siiyay awoodda dowladnimada ee mas’uuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyay inay xilkooda si hufan u gutaan.“Kuwa ka shaqeynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS, wuxuuna intaasi sii raaciyay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta. “Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadineyno aan gaaraynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasaan Sheekh, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyay horumarka dalka.

Khudbad soo af-jartay propogando Malaayiin Dollar ku baxday, taasi oo  ka dhan aheyd dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ayna maal-galinteeda iska kaashadeen Khawaarijta iyo Siyaasiyiin Arxan-laawayaal ah.Dhamaanteen waxaa noo dhahan hadalka Madaxweynaha, waayo 95% Shabaab waan u bur-burinan xag Ciidan,Dhaqaale, inta deegaan ay heystaan waa wax ka yar .5% waxayna ku soo hartay wax lagu qoro  Facebook propogando lagu fidiyo, nagamana difaaci doonto insh allah, marka waa in aan dhameystirno Khawaarijta Gabalkoodu dhacay.

Dhinaca kale Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa mar kale ku celisay digniin ku aadan faafinta dicaayadda Khawaarijta oo an ogsoonahay inuu jab badani ka soo gaaray furimaha dagaalka, iyadoo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayuu si adag uga hadlay dadka faafinaya fariimaha marin habaabinta ah ee ku saabsan dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta, isagoo xusay in dadkaasi qaarkood ay si ula kac ah u faafinayaan dicaayadda Argagixisada, taasi oo uu ku tilmaamay fal dambiyeed dowladdu kula xisaabtamayso cid walba oo ku kacda.

Wasiir ku xigeenka Al-cadaala ayaa xusay in hawlgalka Khawaarijta looga sifaynayo Galmudug uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu ku socdo sidii dowladdu u qorsheysay, waxa uu ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaankaba guulaha waaweyn ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey ka soo hooyeen furimaha dagaalka.

Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta gobolka Mudug ayaa shalay isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane  Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii shalay lagu soo bandhigay horjoogaha, waxayna Isi soo dhiibidda horjoogahan ay muujinaysa sida kooxda Khawaarijta ah ay u sii tabar yaraanayso, islamarkaana horjoogayaashoodii ay u kala baxsanayaan sidii ay isugu soo dhiibi lahaayeen Dowladda Soomaaliya, si ay u galaan gacan ammaan ah, islamarkaana laga nabad galo shartooda, iyaguna ay nabad galaan naf ahaantooda.

Annaga hiil buu naga rabaa inteenna bannaanka ka joogta furinta dagaalka, dagaal Al-shabaab dhexdhexaad kama noqon karno sidii siyaasadda wadamada dunida ku dhaqmaan, waana dagaal guushiisa ay harsan ama ay ku naaloon doonaan jiilalka dambe. Madaxweynuhu Dadka uu shaqada u dirsaday hiil buu uga baahan yahay, waana inay si hufan waajibaadkooda u gutaan, wax la taaban karana ku biiriyaan howlgallada socda. Madaxweynaha naftiisa hiil bay uga baahan tahay oo waqti wax lagu qiimeeyo waa joogaa xafiiska ee hortiisa iyo hareerihiisa ha eego. Qofkii shaqadiisa ka soo dhalaalay abaal marin buu mudan yahay, kuwii dayacayna la xisaabtankooda ayaa looga fadhiyaa, marka waxaan leenahay Madaxweynaha  maalin uu hiil uga baahi badan yahay, maanta ma jirto ee Soomaaliyeey aan Madaxweynaheenna u hiillinno.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la dardaarmay 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi , ayaa maanta oo Axad ah kula dardaarmay xafiiskiisa…

GudahaWararka
August 18, 2024

Ra’isul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay guddiga qoondada haweenka

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha…

GudahaWararkaWargayska
July 28, 2021

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY KULAN KU SAABSAN XASILLOONIDA IYO HORUMARKA GOBOLKA

Washington (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan…

GudahaWararka
December 14, 2022

Wasiirka Amniga XFS oo ka qeybgaley daah-furka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ka qeybgalay furitaanka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya…

GudahaSawirroSiyaasaddaWararka
May 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023