MUQDISHO-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa Shir Guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Ergayga Hay’adda UNHCR ee Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayay wafdiga ayaa waxrbixin ka siiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xaaladda qaxootiga Soomaaliya ee geeska Afrika iyo waxyaabaha ay ka caawisay Hay’adda UNHCR, iyadoo ay kulanka ku wehliyeen Wakiilka UNHCR Soomaaliya & Masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo qayb ka ahayd kulanka ayaa sheegtay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku dhaqan gudaha dalka.
Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNHCR caawintooda ku aaddan guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.