Dhuusamarreeb-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga Dowladda Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah cadawga argagaxisada.
Shirka oo ay ka so qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Galmudug, saraakiisha Ciidanka iyo maamulka caasimada ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa dagaaalka ka dhanka kooxda khawaarijta iyo xoojinta amniga guud ee caasimada iyo deegaanada Galmudug.