Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay ( UNDP), Mr Lionel Laurens, waxaana kulankoodu uu ku aadana xoojinta xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda UNDP.
Wasiirka iyo Madaxa UNDP ayaa ka wadahadley wadashaqeynta labada dhinac ee taageerada wacyigelinta bulshada, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Iyaga oo isku af gartay qodobadi kulanka looga hadlay.