Muqdisho-(SONNA)- Ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere ee dowladda Soomaaliya ka taageeraya la dagaallanka khawaarijta ayaa ka hortagay weeraro naf halignimmo ah oo Khawaarijta maanta ku qaadday magaaladaas.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ย sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka wejiga labaad ee la dagaallanka Al-shabaab ay si feejigan oo deg deg ah uga hor tageen labo baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in lala beegsado saldhigga Ciidanka Itoobiya ee degmada Baardheere, ka dib markii ay toogteen naftood halligayaashii waday gaadiidka, inta aysan gaarin ujeedkooda.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dowladaha safka hore , kuwaas oo ka qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta .
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerarro lagu laayay khawaarij badan ka wada goobaha ay ku dhuumaalaysaneysa kooxda argagixisada ee naf la caariga ah.