Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 4-aad)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 4-aad)
MaqaalladaWaxbarashada

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 4-aad)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 20, 2023
6 Min Read
Share

Qeybtan waxaan uga hadleynaa Waxbarashadii ka dambeeysay sanadkii 1991-kii:- Dagaalladii sokeeye iyo qarankii oo dumay ayaa waxay keeneen in gebi ahaan-ba uu burburo aasaaskii waxbarashada ee uu dalku lahaa. Hase yeeshee, waxaa haddana wax qabad xooggan laga sameeyay dib-u-soo noolaynta aasaaskii waxbarasho ee dalka qaybihiisa oo dhan sida koonfurta iyo bartama, Puntland iyo Somaliland. Colaadda iyo nabadgelyo darrada daba dheeraatay ee ka jirtay koonfurta iyo bartamaha ayaa waxay adkaysay in dib loo dhiso waxbarashada laakiin marnaba ma aysan joogsan dadaalladii ay dadyow kala gadisani dib ugu soo noolaynayeen waxbarashada.

Soomaalida gudaha ku nool, kuwa dibad joogta ah iyo hayโ€™adaha Islaamiga ah ayaa dadaal xooggan u galay sidii ay u soo noolayn lahaayeen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya (HWS). Sidoo kale, dalladaha iyo ururrada waxbarashada sida (FPENS) ayaa iyaguna kaalin wax ku ool ah ka qaatay dib u dhiska iyo maaraynta waxbarashada dhexe iyo tan sareba (Warbixinta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, 2011). Cilmi-baare Markus Hoehne ayaa sheegay in wixii lagu gaaray sannaddii 2010-kii ay ka samaysmeen Muqdisho darsin jaamacado ah oo ay maal-galiyaan gacantana ku hayaan Soomaalida qurbo joogta ah iyo/ ama hayโ€™ado Islaami ah.

Tobankii sano ee tagay si xowli ah u kordhayay waxbarashadii sare. Soomaaliland ayaa waxaa ka hawl-galayay 23 machad, Janaayo sannaddii 2013-kii. Dhanka koonfurta-bartamaha, warbixinti ugu dambaysay ee ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare sannadkii 2011-kii ayaa sheegaysa in 15 jaamacadood ay ka howlgalayeen deegaannadaas.

Xilligaas kaddib waxaa si aan caadi aheyn u kordhay tirada jaamacadaha, sidaa darteed, tirada ardayda dhigata jaamacadaha, tirada kulliyadaha iyo tirada ardayda qalin jabisa intuba kor ayay u kaceen. Maamul-goboleedyada ayaa kaalin kooban ku lahaa walina ku leh marka laga hadlayo sida ay u shaqayso waxbarashada sare. Inta badan jaamacadaha waxaa leh, maal-galiya, maamula, gacantana ku haya, ururo iyo shakhsiyaad kala gaddisan hadday ahaan lahaayeen qurbojoog, ganacsato, bulshada gudaha ku nool, hayโ€™adaha samafalka iyo ururrada Islaamiga ah, iyadoo ay aad u yar tahay ka warqabka iyo kormeerka dawladda ama maamul-goboleedyada.

Dhibaatada ugu wayn ee ka dhalatay fara gelin laโ€™aanta iyo wax iska waydiin laโ€™aantaas ayaa waxay tahay inaysan jirin cid u taagan kormeerka iyo gacan ku haynta tayada adeegga waxbarasho ee ay bixiyaan jaamacadaha ay tiradoodu xowliga u kordhayso. Arrintan ayaa saameyn weyn ku leh tayada waxbarashada,ย  qaar badan oo kamid ah ardayda qalin jabineysa waxaa ka maqan xirfaddii looga baahnaa suuqa shaqooyinka, Xaaladda ay ku sugan tahay waxbarashada sare xilligan, Ifafaalaha koboca HWS Xogta laga uruuriyay daraasaddan ayaa sheegaysa in kororka muuqda ee waxbarashada sare ee waddanka ay ahayd tobankii sano ee lasoo dhaafay. 44-ta jaamacadood ee la soo daraaseeyay, 34 ka mid ah ayaa waxaa la aasaasay intii u dhaxaysay 2004 iyo 2012-kii.

Kobocii ayuu hoos u dhac ku yimid intii u dhaxaysay sannadihii 2006 iyo 2010-kii, haddana waxaa dib u billowday kor u kicii intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012-kii. Hal jaamacad oo kaliya ayaa laga unkay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009- kii, kaddib markii ay amni darro xooggani ka dhalatay soo galiddii Itoobiya iyo burburkii Midowgii Maxaakimta Islaamiga.

Dhanka kale, Somaliland iyo Puntland , kor u kaca ayaan waxba iska baddalin illaa sanaddii 2011-kii. Shanta jaamacadood ee la aasaasay sannaddii 2012-kii ayaa dhammaantood ku yaal koonfurta-bartamaha, waxayna ahayd tiradii ugu badnayd ee HWS cusub laga aasaaso deegaankaas, iyadoo laysku raacsan yahay in waddanku uu lahaa hal jaamacad oo qura wixii ka horreeyay burburkii dawladdii dhexe sannaddii 1991-kii, astaamo horumar ayaa si xooggan looga dheehday koonfurta-bartamaha, Puntland iyo weliba Somaliland.

Natiijadan ayaa waxaa loo aanayn karaa labo sababood. Midda hore, in horumarkan waxbarashada sare uu la jaanqaadayo midka ka soo if-baxayay waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Tan labaad, in maqnaanshaha dowlad dhexe iyo maamullada hoose ee deegaannada oo aan awood buuran lahayn ay dhiirro galisay in si gaar ah loo maal-gashado adeegyaddi bulshada oo ay waxbarashadu ka mid tahay. taas ayaa waxaa ka dhalatay in koboca nidaamka waxbarashada sare ee sida gaarka ah loo leeyahay, badeeco ahaan looga ganacsado, halka ay ka ahayd adeeg bulsho oo loo siman yahay, sidaa darteed ayaa waxaa suuqa waxbarashada ku soo biiray maal-gashadayaal.

Tirada ardayda Jaamacadaha ayaa waxaa laga codsaday tirada ardayda is diiwaan galisay xilliga la sameeyay waraysigan. Tirada guud ee ardayda ka diiwaan gashanaa 44-ta jaamacadood bishii June 2013 ayaa ahayd 51,471. Tirada ugu badan ardaydan waxaa ay ka diiwaan gashanaayeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda 8 jaamacadaha ku yaalla koonfurta-bartamaha dalka (25,147), waxaana ku xiga Soomaaliland oo iyana ay ka diiwaan gashanaayeen (18,223), iyo Puntland oo ah (8,101).

F.G..Warbixintaani waxaa la sameeyay 2010 ilaa 2013-kii.

La soco qeybta 5-aad

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.

MUQDISHO (SONNA)- Dib u habeyntii guddiga Doorashooyinka keddib waxaa soo if-baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dhinacyadii Guddiga Doorashooyinka oo…

GudahaMaqaalladaWararka
September 30, 2021

Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)

Dowladaan kama duwana Dowladaha Adduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 22, 2025

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin)ย 

Muqdisho.SONNA...Wakaaladaha wararka waa heyโ€™ado u xilsaaran ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadintaย  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho…

GudahaMaqaallada
January 5, 2025

Xal ayaan u aragnaa goโ€™aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (warbixin) ย ย 

Waxaa xaqiiqo ah in caalamkani uu yahay mid loo asteeyay aadanaha oo loogu talagalay in ay ka helaan adeegyadaย aasaasiga ah…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023