Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa casha sharaf ugu sameeyay wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka labada aqal ayaa ka qeyb galay kulanka casha sharafta ah, waxaana laiska xogwareystay wada shaqeynta iyo walaltinimada soo jireenka ah ee reer Jabuuti.
Xoghayaha Xafiiska Joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile ayaa ka mahadceliyay casha sharafta sida maamuska iyoย walaltinimada leh ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho, iyagoo xusay walaalaha Jabuuti aanu marti ku aheyn Muqdisho ayna jecel yihiin nabada iyo horumarka balaaran ee uu dalka ku socdo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay kulanka ayaa boggaadiyay wafdiga walaalaha reer Jabuuti islamarkaana ka soo qeyb galay xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo xusay in ay walaltinimada reer Jabuuti ku weyn tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, lana adkeyn doono wada shaqeynta is dhexgalka bulshada, taas oo ahmiyad siinaysa amniga iyo wadajirka labada wadan.