Muqdisho.(SONNA):- Dhowrkii sano ee la soo dhaafay markasta uu biyo keenno wabiga Shabeelle waxa uu watay faa’ido iyo khasaaro intaba, haba ugu badnaatee khasaaraha uu geysanayay, taas oo ah khasaare dhimasho iyo burbur guryo dad badanna ay ka barakaceen hooygooda.
Hadda wal wal xooggan ayaa laga qabaa inuu fatahaad sameeyo wabiga, maamulka Hirshabeelle ayaa digniin ka soo saaray fatahaado laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga.
Wasiir ku-xigeennada wasaaraddaha maaliyadda iyo warfaafinta maamulka Hirshabeelle ayaa shacabka ka codsaday in ay ka qeyb qataan dayactirka iyo caratuur lagu sameynayo wabiga si looga gaashaanto inuu fataho wabiga.
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha iyo waraabka maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa ka digay khataraha ka imaan kara wabiga Shabeelle.
“ Waxaan halkan baaq ugu diraa dadka deggan wabiga labadiisa dhinac in ay ka feejignaadaan qatarta uu keeni karo wabigaas, waxaan ku talineynaa meelaha doonka ah ee aan biyaha gaareyn in la dego, “ ayuu yiri wasiir Daqare.
Wasiirka ayaa sidoo kale, shacabka ka dalbaday in ay maamulka la soo socodsiiyaan meelaha suurtgalka ay tahay inuu wabiga ka jabsado ama u baahan in la caratuur si looga hortago fatahaad uu geysto wabiga oo hadda biyo badan keennay.
Jowhar oo caan ku ahaa dhul beereed aad u badan oo wax soosaarkooda uu gaaro gobollada dhexe iyo bariga Soomaaliya ayaa fataahaadda saameynteeda shacabka beeralleyda si ay uga foojignaadaan waxaa loo soo jeedinayaa iney taxaddar muujiyaan had iyo jeerna ay la socdaan biyaha wabiga halka ay marayaan.
Sanadkii 2021, ayay ahayd markii fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle ay ku baaba’een beero badan oo ku yaallay Jowhar iyo deegaanno kale oo webiga ku hareereysan.