Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    WARSAXAAFADEED:Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)
    April 20, 2026
    Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta
    April 19, 2026
    Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shir muhiim ah
    April 19, 2026
    Shirweynihii Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo gebo-gebeeyay Turkiga
    April 19, 2026
    Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah
    April 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa
MaqaalladaWararka

Dagaalka tooska ah ee Dowladda ku qaaday kooxda khawaariijta oo sababay in khawaariij la kulanto jabkii ugu xumaa

By SB
Last updated: February 20, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray dhinacyo badan, waxaana lagula diraray qaab dhameystiran, kaasi oo isugu jira ina lagu wajaho dagaal iyo guluf xooggan oo dhinaca Ciidamada ah, waana looga guuleystay, waxaa kaloo laga wajahay dhinaca fikirka, taasi oo ay Culumaa’diinka Soomaaliyed caddeeyeen inay yihiin Khawaarij, uuna bannaan yahay dagaalkooda iyo kan dhaqaalaha oo isna hirgalay, waxaana soo baxaya baaqyo badan oo Dadka looga digaayo inay lala macaamilo Kooxdaasi,

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaan Kuunyabarow hoos yimaada gobolka shabeelada Hoose.

Hey’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka waxay si dhow ula socotaa isku dayo khawaarijtu ugu yeeriyaan Dad Ganacsato ah deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeelada Hoose, haddaba Hey’addu waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u hoggaamansamaan ammarada Khawaarijtu ku dooneyso ina ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo istcmaalo hantidaasi gumaad Dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Hey’addu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Xaruuaha Khawaarijta, maadaaa ay bartilmaameed u yihiin Hey’adahas Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale kooxda khawaariijta ayaa ganacsatada isku day fashilmay ku raadisay in ay ganacsatada ku amarto in ay ugu tagaan degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe taas oo masaafo ahaan aad uga fog deegaanadii ay markii hore ugu yeeri jirtay ganacsatada oo ahayd deegaano aan ka fogayn caasimadda,balse jabka gaaray kooxda ayaa sabab u ah in ay jilib iyo jubadda dhexe ku aruurto,sida ay ogaatay Warbaahinta Qaranku dalabaadka kooxda khawaariijta waxa gabi ahaan ba ganafka ku dhuftay ganacsatada Soomaaliyeed tan oo khawaariij uga daran jabka uu gaarsiiyey dagaalka militarigu,dowladda ayaa xirtay in ka badan 250 Account Bangi iyo malaayiin dollar oo ku jirtay.

Sidoo kale Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhanka kale bulshadda Soomaliyeed ayaa la wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, wuxuuna Warbaahinta u akhriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa si khaas ah u khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, sidaasi awgeed ayuu Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).ayaa Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, markaasi kadib ayuu Guddigu soo saaray go’aannada ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa meelaha ay dhaqaalaha ka hekaan Kooxda maleeshiyaad Khawaarijta.

Go’aanada oo dhammaantood aad muhuum u ah ayaa waxa aan mid mid u dul istaagi doonnaa, inaga oo ka bilaabi doonno qodobka kowaad oo u qoran sidan:-

Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.
Qodobkaan faahfaahintiisa ah ayaa ah, Lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta Argagixisada, kaasi waa cad yahay.

Qodobka 2-aad ayaa u qoran sidan:- .Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta taarikhda marka ay tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:-

Xabsi ciqaabeed
Ganaax lacageed
Xayiraad safar
Kala noqosho shati ganacsi &
In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.
Haddaba war lee maan wadeynaa waa cad yahay qodoboda looga digayo Ummdda Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin la macaamilka Kooxada Argagaxisada ah, iyo waliba sharigii lagu qaadi lahaa hadday ku dhacaan dabinada loo dhigay, waxaana jiri doona dabagal iyo la xisaabtan meelaha lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah, maadama looga wada adkaaday dhinacyada Militariga, Fikirka iyo dhanka Dhaqaalaha, ayaa sharciyadaani ku sii giijinaayaan xayiraadda dhanka dhaqaalaha ee saran Khawaarijta.

Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan Go’aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada?

La soco qaybta labaad.

Qore Cabdilaahi Ruush.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

WARSAXAAFADEED:Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, isagoo tixraacaya…

April 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah…

GudahaWararka
August 18, 2025

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠a 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 a𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 c𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 muqdisho

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐-(SONNA)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga…

GudahaWararka
March 5, 2025

RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Belem,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano…

GudahaWararka
November 8, 2025

R/wasaare Rooble oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska

R/wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble,ayaa magaalada Lomdon kulan muhiim kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska Mr.Dominic…

Gudaha
July 30, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023