Muqdisho.(SONNA):- Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso Madaxa UNHCR ee Galmudug iyo Puntland Monique Rudacogora ayaa maanta gaaaray degmada Cadaado, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame iyo wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay sidii gurmad iyo qorshaha xalka waara loo gaarsiin lahaa barakacayaasha ku nool Cadaado.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa wafdiga ka socday Qaramada Midoobay la wadaagay xaaladda barakacayaasha,kuwaas oo isugu jira qaar xilliyo hore Cadaado soo gaaray iyo kuwa dhawaan ku barakacay colaadaha iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Galmudug.
Wafdiga ayaa kormeeray dhul loo qorsheeyey in loo dhiso Barakacayaasha. Guddoomiyaha iyo wafdiga UN-ka ayaa isla gartay in la dardar geliyo mashaariicda samafalka ah ee ka socda Cadaado, iyadoo diiradda la saarayo qorshe wax ku ool ah oo xal waara looga gaarayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.
Ugu dambeyntii, Monique Rudacogora, ayaa sheegtay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada la hawlgalla ay ka warqabaan in ay kordheen tirada dadka ku barakacay mushkiladaha colaadaha iyo abaaraha, ayna hawlahooda samafalka xoojinayaan, iyaga oo ka duulaya waxa ay maanta indhahooda ku soo arkeen.