Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba
    March 17, 2026
    Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho
    March 17, 2026
    Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka
    March 17, 2026
    Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey
    March 17, 2026
    Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah
    March 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka
GudahaWararka

Akhriso:- Horumarka iyo Waxqabadka Dowladda ee Todobaadka

By SB
Last updated: February 8, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daud Aweis Jaamac oo uu wehliya Ergayga midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka ATMIS Mohamed El-amine Souef oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay horumarka todobaadka ee dowladda, xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray Waxqabadka dowladda ee todobaadkan

Haddaba halkaan ka akhriso qodobada ugu muhiimka

Waxqabadka dowladda ee todobaadkan
Muqdisho, Arbaco 08/02/2023

1- Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab ayaa weli si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka ka mid ah. Cadowga ayaa xaalkiisu uu sii daciifayaa , iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii xajisteen guulihii ay gaareen toddobaadyadii la soo dhaafey.

Dhanka kale, qaar ka mid ahaa Khawaarijta ayaa u hoggaansamey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inay isa soo dhiibaan si dhaqan celin loogu sameeyo kadibna ay bulshada dib uga mid noqdaan. Khawaarijta ayaa goobaha ay iska soo dhiibeen waxaa ka mid ah HirShabeelle, Koonfuur Galbeed iyo Galmudug.

2- Dhanka kale Shir Madaxeedkii Waddamada Safka Hore ee ka dhacay Muqdisho uuna Shir Guddoomiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la isku afgartey in si wadajir ah la isaga kaashado dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isla markaana Somalia lagala shaqeeyo sidii cunaqabateynta hubka ee saran looga qaadi lahaa.

Madaxda ka soo qeybgashey shirka waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismail Omar Gelle, Madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

3- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa isna toddobaadkan meel mariyay Sharciga dhismaha Hay’adda Nabad Sugidda kaas oo muhiim u ah helista xogta, sugidda amniga qaranka iyo weliba doorka hay’adda ee dagaalka lagula jiro argagixisada. Sharcigan waxaa uu sare u qaadayaa hufnaanya shaqo ee hay’adda, qeexidda waajibaadka shaqo ee hay’adda , la xisaabtanka iyo daah furnaanta NISA.

Sidoo kale Golaha Wasiirada waxaa uu dhowaan uu ansiciyey heshiis iskaashi milateri oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Caraba.

Heshiiskan waxaa uu Soomaaliya ka caawinaya in la helo ciidan ku filan oo ka hawlgala goobaha laga xoreynayo Khawaarijta iyo inay ciidankan qeyb ka noqdaan barnaamijka xasilinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horkaceyso.

Sidoo kale waxaa ay Dowladda Soomaaliya ku guuleysatey inay wiiqdo awoodda dhaqaale ee Al Shabab, iyadoo dhanka kalena u mahad celineysa shacabka oo si weyn ula shaqeeyay dowladda. Waxaa mar kale shacabka loogu baaqayaa inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan dowladda kana foojignaadaan inay wax iskaashi iyo xiriir ah la yeeshaan argagixisada.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqey in la joojiyo colaadda ka taagan magaadala Laas Caanood. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan halkaasi ay tahay mid siyaasadeed una baahan xal siyaasadeed, isagoo hoosta ka xariiqay in la xishmeeyo rabitaanka dadka degaanka Laas Caanood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadaal ugu jira sida dhammaan dhinacyada halkaasi isku haya ay miiska wadahadalka u imaan lahayeen si xal loo gaaro.

5- Waxaa si guul leh magaalada Baydhabo loogu soo gabagabeeyay shirkii wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasaddeed iyo kan bulsheed ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaya hal ku dhigge Soomaali Heshiis ah, ayaa shirkaasi soo xiray waxaana uu ku bogaadiyay dhinacyada siyaasadda ee Koonfuur Galbeed ee halkaasi ku gaarey heshiiska siyaasadeed ee muhiimka u ah nabadda degaanka iyo weliba gulufka dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiska laga gaarey ayaa ah xiliga doorashada madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka KGS oo la isku raacey inay noqoto bisha January ee sannadka 2024-ka.

6- Somalia ayaa qarka u saaran inay noqoto dalka 8aad ee xubin ka noqda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC. Waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay barnaamijkii xaqiijinta sida ay Somalia diyaar ugu tahay ku biirista ururka, iyadoo ay dalka joogeen xubno ka socday ururka oo hawshaasi loo xilsaarey. Xubnahaasi Soomaaliya yimid ayaa muujiyay rajo weyn kadib markii ay ku qanceen hanaanka ay u shaqeeyaan hay’afaha dowliga iyo kuwa ururrada bulshada ee dalka si loo waafajiyo hay’adaha waddamada kale ee ururka ku jira.

7- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa todobaadkan furay kulanka farsamo ee arrimaha doorashooyinka dalka ee guddiga farsamo ee ka talabixinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo bogaadiyay shaqada guddiga ayaa tibaaxay ahmiyadda ay leedahay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo sheegay Wasiirka in xasilloonida dalka ay ku xiran tahay doorashooyinka dalka. Hannaankan waxaa looga gol leeyahay in muhimad la siiyo doorashooyinka lagana hortago caqabadaha iyo is-mariwaaga arrimaha doorashada ee mararka qaar amniga waddanka khatar gelin kara

8- Tallaabooyin la doonayo in lagu xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay dhowaan fulin doontaa barnaamijka tirakoobka shaqaalaha dowladda. Barnaamijkan waxaa daahfuray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

9- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay daahfurtey mashruuc lagau shaqaaleysiinayo ilaa 3000 oo macalimiin ah, kuwaas oo gacan ka geysan doona inay waxbarashi helaan kumanaan carruur Soomaaliyeed oo gaarey da’da waxbarshada balse aan fursad helin. Barnaamijkan ayaa waxaa sidoo kale barbar socon doona furitaanka goobo badan oo waxbarasho oo macalimiintan ay ka hawlgeli doonaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta…

March 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Cawaalle Kullane oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 74-aad ee Jamhuuriyadda shacbiga Shiinaha

Beijing,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane, oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka ayaa fursad u helay…

GudahaWararka
September 28, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aadan yabaal

Aadan-yabaal-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee…

GudahaWararka
September 6, 2023

Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada

Shirka 12-aad ee Hal-abuurka dunida ee xagga Waxbarashada (WISE),ayaa lagu wadaa 24-25 Noofambar lagu qabto Xarunta Shirarka Qaranka ee Magaalada…

Caalamka
November 21, 2025

Dowladda maraykanka oo si adag u taageertay midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay…

GudahaWararka
December 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023